Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahan ku maqnaa safar dheer oo aan faah-faahin badan laga helin ayaa haatan dib loo arkay, isaga oo dibadda waqti kula qaadanayo qaar kamid ah qoyskiisa.
Sawir si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo Madaxweyne Xasan oo ku dhex jira qaar kamid ah carruurtiisa, isla markaana qaadanayo fasax iyo nasiino.
Wararka ayaa sheegaya in haatan Madaxweynuhu ku sugan yahay magaallo xeebeedka Trabzon ee waqooyi bari ee dalka Turkiga, hallkaas oo uu nasiino ku qaadanayo isaga iyo qoyskiisa.
Safarkan ayaa noqday kii ugu dheeraa ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh dibadda ku qaatay, wuxuuna billowday 6-dii bishaan, isaga oo aaday dalka Masar, halkaas oo dhiggiisa Cabdalfatax Al-Sisi ay balamo culus ku kala qaateen, kadibna uu ka sii gudbay.
Xasan Sheekh oo Masar uga sii gudbay Turkiga, kooxdiisii safarka Qaahira ku reebay, waxaana 11-kii bishaan la soo muujiyey muuqaalkiisii ugu dambeeyey ee kulankii uu Ankara kula yeeshay dhiggiisa Turkiga Erdogan.
Arrintan ayaa dhalisay dood xooggan, waxaana si weyn loogu falanqeeyay baraha bulshada ee internet-ka, iyada oo su’aallo badan la iska waydiiyay maqnaashaha Madaxweynaha.
“War ninyahoow, dadkaan war badanaa Madaxweyne Xasan Sheekh ma robot baa mise waa aadan? Saddex sano ayuu dal burbursan u taagnaa dhismihiisa, amnigiisa horumarintiisa dhaqaalaha iyo howlihii adkaa ee dib u xoreynta hal usbuuc oo uu carruurtiisa iyo qoyskiisa waqti siiyo ee u la sheekaysto ayaad cay ku raadinaysaa? Iska daa xanaaqa,” ayuu Nuur Xaaji Axmed Adduunyo.
Aadan Xuseen Guhaad ayaa isna yiri: “Meel Somalia ka tirsan oo uu ku nasto muu weeyey, marka dalshisheeye uu nasiino ka doontay?”.
Si kastaba, safarkan oo ku soo aaday xilli uu dalku ku jiro xaalad cakiran oo siyaasadeed ayaa dhaliyay xasaasiyad wayn, maadaama ay taagan yihiin xiisado culus oo wajiyo kala duwan leh.