Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi hoggaaminayo ayaa maanta gaaray aagga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanka Haawaay, halkaas oo uu si diiran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha HirShabelle iyo mas’uuliyiin kale.
Safarka Madaxweynaha oo aan hore loo shaacin ayaa ah mid kadis ah waxaana uu daah-furi doonaa mashaariic horumarineed oo muhiim ah, wuxuuna sidoo kale dhagax dhigi doonaa kuwa kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu dhagax dhigo garoon diyaaradeed oo casri ah, xarun dayax-gacmeed, isbitaalka guud iyo goobo kale oo muhiim ah. Waxaa sidoo kale la qorsheeyay in uu isla maanta dib ugu soo laabto Muqdisho.
Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Inta uu joogo halkaasi waxa uu kulan la yeelan doonaa saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda gobolka, iyadoo halkaas lagu kala qaadi doono waajibaad culus oo la xiriira Dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweynaha ayaa go’aamiyay in dib loo xoreeyo dhammaan deegaanadii ay Al-Shabaab qabsadeen ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo la filayo in howlgalkaasi uu si rasmi ah u billowdo maalmaha soo socda.
Dowladda ayaa diyaarisay wafdi culus oo ay hoggaaminayaan Wasiirka Gaashaandhigga iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada. Wafdigan ayaa ka abaabuli doona gobolka Shabeellaha Dhexe howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo la qorsheeyay in weerar saddex jiho ah lagu qaado kooxda, laga bilaabo Cadale ilaa Masjid Cali Gaduud.
Ciidamada Qaranka, gaar ahaan kuwa Danab iyo Gorgor, ayaa maalmihii lasoo dhaafay dib u qabsaday degmada Masjid Cali Gaduud — halkaas oo ay Al-Shabaab muhiimad weyn siiyeen. Shacabka deegaankaas oo hubkooda qaatay ayaa dib ugu laabtay guryahoodii, halkaas oo Ciidamada Qaranka ay saldhigyo ka sameysteen.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa hoggaaminaya howlgal weli ka socda tuulooyinka ku dhow Masjid Cali Gaduud, halkaas oo ciidamada ay weli ku baacsanayaan xubnaha kooxda Al-Shabaab.
Dhammaan tallaabooyinkan ayaa kusoo qaadayo, iyada oo maalmihii u dambeeyay ay dib u kabasho wayn ay sameeyeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, kadib markii ay Al-Shabaab ka saareen deegaanno muhiim ah oo dhaca gobollada Shabeellooyinka.