Xasan Sheekh oo ka dagay Dhuusamareeb + Qorshihiisa

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Dhusuamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka uga hortagay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), mas’uuliyiinka deegaanka, saraakiisha ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo usoo banaan baxay soo dhaweeyntiisa.

Ammaanka magaaladan ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo gol-hore loo diyaar garoobay soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya oo lasii ogaa inuu tagayo Dhuusamareeb.

Xasan Sheekh ayaa kulamo ka bilaabi doono Madaxtooyada Galmudug, isaga oo la kulmi doono mas’uuliyiinta maamulka, waxgaradka deegaanka iyo saraakiisha ciidamada oo uu kala hadli doono xaaladda gobolka iyo qorshayaasha dowladda ee la xiriira Galmudug.

Safarka madaxweynaha ayaa lagu sheegay mid ku saabsan dardargelinta hawlgalka ka dhanka ah Al Shabaab, arrimaha doorashooyinka iyo kormeerka mashaariicda horumarineed ee halkaasi laga fulinayo.

Madaxweyne ayaa sidoo kale la filayaa in uu xarigga ka jaro xarumo cusub oo laga hirgeliyay magaalada, sida xarunta baarlamaanka Galmudug. Sidoo kale, waxa uu kormeeri doonaa mashaariicda kale ee horumarineed ee socda, oo ay ku jiraan dhismaha waddooyinka iyo garoonka diyaaradaha.

Sidoo kale Madaxweynaha oo riixaya dardargelinta hawlgalka dib-u-xoreynta dalka ayaa dadka deegaanka kala hadli doona doorkooda kaga aaddan la dagaallanka Al Shabaab. Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in madaxweynuhu doonayo in dib loo soo nooleeyo iskaashiga ciidamada iyo shacabka, si dadka reer Galmudug ay ugaalin muuqata uga qaataan dagaalka Shabaab.

Dhuusamareeb ayaa sidoo kale kamida magaalooyinka waawayn ee ay ka socdaan ololaha diiwaangelinta dadweynaha ee doorashooyinka qof iyo codka ah, waxaana Qoor Qoor oo horay u hadlay uu sheegay inay u diyaar garoobeen qabashada doorasho qof iyo cod ah.

- Advertisement -

Read more

Local News