25.6 C
Mogadishu
Wednesday, October 29, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo goordhow u ambabaxay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhoweyd u safray dalka Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa halkaasi uga qeyb-galaya xuska 25 sano guuradii shirkii taariikhiga ahaa ee Carta ee sanadkii 2000, kaas oo saldhig u noqday dib-u-heshiisiintii Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa safarka ku wehliya wafdi ballaaran oo kamid yihiin wasiiro, xildhibaanno iyo saraakiil iyo howl-wadeeno ka tirsan Madaxtooyadda Soomaaliya.

Horey waxaa dalka Jabuuti ugu sugnaa madax kala duwan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bulshada rayidka, kuwaas oo labadii maalmood ee u dambeeyay halkaasi kusii qul-qulayay.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale qeyb ka ah mas’uuliyiinta ka qeyb-galeysa munaasabadan oo uu marti-galiyay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa isna maanta gaaray magaalada Jabuuti, iyadoo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golaha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Si kastaba, munaasabadda xuska 25 sano guuradii shirkii Carta ayaa waxaa lagu soo bandhigi doona taariikhda shirkaasi iyo guulaha laga gaarey dowladnimada Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News