25 C
Mogadishu
Sunday, January 4, 2026

Xasan Sheekh oo jawaab kulul siiyay madaxweyne Trump

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay u jawaabay dhiggiisa dalka Mareykanka Donald Trump oo marar badan u gefay Soomaaliya.

Trump ayaa isagoo dhawaan ka hadlayay kulan golaha wasiirrada ah wuxuu sheegay in Soomaalidu yihiin “khashin” iyo in Mareykanku “aadi doono jihada khaldan haddii aan sii wadno inaan dalkeenna ku qaabilno khashin.”

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa sidoo kale beegsaday muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan Maraykanka, isagoo hadallo arrimo kala duwan uu kaga hadlay oo uu jeediyay bulshada ku tilmaamay inay “waxba ku soo kordhin… anigu ma doonayo inay dalkeenna joogaan.”

Xasan Sheekh oo hadda soo jawaabay, kadib wareysi uu siiyay Telefishinka Al Carabiya ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay aflagaaddada Trump oo marar badan soo laa laabatay, ayna ka xumaadeen dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa qab leh isla markaana uu garaadkooda uu gaarsiisan yahay meel sare.

“Wax la aqbali karo maaha in Trump uu Soomaalida ugu yeero qashin, Soomaalidu waa dad caqli badan oo karti badan” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Hadallada Trump oo dhaliya falcelin xoogan ayaa si muuqata u xambaarsan cunsuriyad iyo jees-jees siyaasadeed, isagoo aan lahayn isku xirka hadal siyaasadeed oo rasmi ah.

Madaxweynaha Mareykanka oo caan ku ah hadallo soo noqnoqda iyo jees-jees, ayaa ku celinayay weeraro afka ah oo uu ku qaaday Xildhibaan Ilhaan Cumar iyo dalka ay kasoo jeedo Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News