Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka kusii jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo haatan laga dareemayo qaban qaabada soo dhaweyntiisa.
Wafdi hordhac u ah madaxweynaha iyo ciidankiisa ilaalada ayaa goor sii horeysay ka dagay Kismaayo, halkaas oo haatan ay ku sugan yihiin shacab iyo madax ka tirsan Jubbaland.
Muuqaallo laga soo duubay garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayaa muujinayo boqolaal shacab ah oo loo diyaariyay soo dhaweynta madaxweynaha, kuwaas oo gacmaha ku sita sawirradiisa iyo calanka Soomaaliya iyo midka maamul-goboleedka Jubbaland.
Madaxweyne Xasan ayaa marka uu ka dago Kismaayo qorshihiisa wuxuu yahay inuu wada-hadallo la yeesho Axmed Madoobe oo muddo dheer uu kala dhexeeyay khilaaf culus oo isku beddalay gacan ka hadal, kadib markii ay isku qabteen arrimaha doorasooyinka dalka
Labada nin ayaa la filayaa in maanta ay is gacan qaadaan, isla markaana ay gaaraan heshiis lagu soo afjarayo xiisadda daba dheeraatay ee dowladda dhexe iyo Jubbaland.
Sida ay Ogaatay Caasimada Online, dadaalladan waxaa dhex dhexaadiyay dowlado waa wayn oo saameyn ku leh arrimaha gudaha Soomaaliya, sida Imaaraadka Carabta iyo Kenya oo u kala dab qaadaya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaamiyaha mayalka adag ee Axmed Madoobe oo horay doorasho iskiis ah ugu qabsaday gudaha magaalada Kismaayo.
Wada-hadallada maanta bilaabanayo ayaa qorshuhu yahay in xoogga lagu saaro soo afjarida xiisadda labada dhinac, si looga wada shaqeeyo hannaan doorasho oo lagu mideysan yahay.
Xasan Sheekh oo dhowaan wareysi bixiyay ayaa ku sheegay in wada-hadallo uu kula jiro Jubbaland iyo Puntland, uuna ku rajo wayn yahay in heshiis la gaaro ka hor 2026-ka.
Si kastaba, safarkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo todobaadkii hore Axmed Madoobe uu Nairobi kula shiray dhigiisa Puntland iyo xubno kamid ah Madasha Samatabixinta, iyaga oo dhisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ugu talagaleen waqtiga kala guurka ee dalka.