Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah ugu biiray barta TikTok, taasoo dhalisay hadal heyn xooggan oo ka dhex abuurantay bulshada.
Furitaanka akoon rasmi ah oo lagu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa loo arkaa dadaal ay Villa Soomaaliya ku doonayso inay si dhow ula xiriirto dhalinyarada Soomaaliyeed ee sida weyn u isticmaala TikTok.
Muuqaalkii ugu horreeyay ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu soo dhigay barta ayaa si weyn looga falceliyay, waxaana daawaday kumannaan qof oo intooda badan dhalinyaro ah.
Tallaabadan ayaa sidoo kale dhalisay dood ku saabsan sida madaxda Soomaaliyeed uga faa’iideysan karaan baraha bulshada ee casriga ah, si ay u gaarsiiyaan farriimahooda shacabka.
TikTok ayaa noqday meel ay siyaasiyiinta caalamka ku gaaraan malaayiin qof, iyagoo aan u baahnayn warbaahinta caadiga ah sida raadiyaha iyo telefishanka.
Hoggaamiyeyaal caalami ah, sida Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy iyo madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa horey u adeegsaday TikTok si ay u gaarsiiyaan fariimahooda dhallinyarada iyo taageerayaashooda.
Kusoo biirista Madaxweyne Xasan Sheekh ee TikTok waxay muujinaysaa in dowladda federaalka ay diyaar u tahay inay la qabsato isbeddellada dhijitaalka ah ee caalamka, si gaar ahna ula xiriirto jiilka cusub ee Soomaalida.

