Copenhagen (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa waxa uu soo dhaweeyayaa dhismaha maamulka dawlad Goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya.
Warsaxaafdeed uu soo saaray, Xasan Sheekh waxa uu sidoo kale hambalyo iyo bogaaadin u diray Madaxweynaha Cusub ee maamulka Koofur Galbeed Mudane Shariif Xasan Shiikh Aden, oo lagu doortay Baydhaba.
Madaweynaha wuxuu kale oo uu sheegay inuu ku talinayo in la saxo wixii ka dhimman dhammeytirka sameynta maamulkaas, wuxuuna Soomaalida deggan Koofur Galbeed ku bogaadinayaa in ay masiirkooda ka tashaadaan iyaga oo ilaalinaaya xaquuqda dhammaan dadka degaankaas ka soo jeeda iyo in laga wada hadlo habka ka wada qeyb galka iyo in ay sii wadaan isla tashiga si loo saxo wixii cabasho ah ee ka jira habraaca dhammeystirka maamaulka Koofur Galbeed.
Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu ugu hambalyeeyay dadka deggan Koofur Galbeed guusha billowga ah ee dhismaha dawlad gobaleedkooda.
Waa go’aan is-beddel uu ka muuqdo oo soo kordhay, maalmo un kadib markii Xasan, Cabdi Weli iyo Jawaari ay ku dhowaaqeen in dowladda ay joojisay shirkii Baydhaba.
Arrinta ayaa mar kale caddeyn u ah inay dib ukala furteen Xasan Sheekh iyo Jawaari.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]