25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Madoobe Nuunow oo laga yaabo in uu ku biiro maamulka Shabeelle State

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Marka (Caasimada Online)-Maamulka Shabeelle State ayaa sheegay in uu wadahadal u socdo madaxweynaha maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed, Madoobe Nuunow Maxamed.

Wasiirka maaliyadda maamulka Shabeelle State Cali Nuur ayaa u sheegay warbaahinta Muqdisho in uu wadahadal u socdo maamulka koonfur galbeed ee lixda gobal isagoona intaas ku daray in labada maamul laga yaabo in ay isku biiraan.

“Madaxweynaha maamulka Shabeelle State ayaa wadahadal kula jirra madaxweynaha lixda gobal ee koonfur galbeed, marka meel fiican ayey wax noo marayaan” ayuu yiri Cali Nuur.

Wasiirka maaliyada maamulka Shabeelle State ayaa sheegay in labada madaxweyne ay ka hadleen aqoonsiga dowladda dhexe ay siisay maamulka seddaxda gobal iyo mideenta labada maamul ee koonfur galbeed.

Wuxuu sheegay in labada madaxweyne ay ka soo horjeesteen midnimada labada maamul iyo aqoonsiga maamulka seddaxda gobal.

Cali Nuur wasiirka maaliyadda maamulka Shabeelle State ayaa carabka ku adkeeyay in labada maamul ee Shabeelle State iyo kan maamulka lixda gobal laga yaabo in ay midoobaan oo ay hal maamul sameestaan maadama meelaha ay ka arrimiyaan ay daris yihiin.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda ma aqoonsanna labadan maamul oo ka kala dhisan magaalooyinka Marka iyo Baydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News