26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Ciidamada DFS oo ka baxay Marka iyo arrin la…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Dowlada Somalia ayaa la sheegayaa inay isaga baxeen Saldhigyadii ay ku lahaayen Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada ayaa halkaasi kala baxay dhamaan gaadiidkooda Dagaal, iyadoo aan la garankarin Ujeedka ka danbeysay inay isaga baxaan halkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamadu ay kawar heleen in maleeshiyaadka ay gudaha magaalada soo galeen, taasina ay khasabtay in Ciidamada Dowlada ay halkaasi faarujiyaan.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaaya in ay jiraan baqdin laga qabo in gudaha magaalada uu ka dhaco Dagaal.

Dhanka kale, Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo hadda isaga baxay Marka ayaa horay waxaa halkaas loo geeyay sidii ay u kala dhex gali lahaayeen Maleeshiyo beeleedyo horay halkaas ugu wada diririyay kuwaas oo weli aan xal rasmi ah laga gaarin xiisadaha u dhexeeya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News