26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Magaalada Muqdisho oo aan xalay laga seexan (Maxaa cusub?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa dhaqdhaqaaqa Doorashada Madaxweynaha Somalia oo ku beegan maanta oo Arbaca ah.

Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaan xalay gam’in hurdada kadib markii ay falanqeyn kula dhaqaaqen Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweyninimo ee Somalia.

Dadka shacabka ayaa ku kala aragti duwan Doorashada waxa uuna qof waliba taageersan yahay musharax gaara oo uu u arko in waxbadan uu ka bedeli doona xaalada murugeysan ee dalka.

Dadka badi ayaa carabka ku haya Musharaxiinta Xasan Sheekh, Shariif Xasan, Farmaajo iyo Cumar C/rashiid oo ugu cadcad Doorashada.

Dadka badankii ayaa taageero u muujinaaya Sheekh Shariif, Farmaajo iyo Musharaxiin kale, halka qaarna ay kasoo horjeedan labadaasi Musharax.

Shacabku waxa ay sidoo kale is weydinayaan suuragalnimada in Xildhibaanada isbedel doonka ah ay soo saaran Musharaxa suuragalinkara isku keenida Shacabka Soomaaliyeed ee ku kala baadiyoobay Colaadaha iyo in dalka laga dhaqan galiyo Siyaasad aan laga maamuli karin dalalka deriska la’ah Somalia.

Dhinaca kale, dadka shacabka ah ayaa Saaka dhagaha ku haya Telefeshinada iyo Idaacadaha si ay ula socdaan Doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News