26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Magaca محمد oo taariikh ka dhiggay UK

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

London (Caasimada Online) – Sida uu Daabacay Website lagu magacaabo BabyCente, daraasad cusub ayaa muujisay in magacyada Maxamed ay ugu badanaayeen caruurta loo bixiyay Magacyadda ee ku dhalatay Dalka Ingiriiska .

Magaca Maxamed ayaa la sheegay in uu ka batay magacayada Oliver iyo Jack, oo kusoo xigsaday. Sidoo kale magacyada Cumar, Cali, iyo Ibraahim ayaa ka mid noqday magacyada sanadkan ugu badan ee lagu arkay Dalka UK.

Sarah Redshaw oo ah maamulaha xaruunta BabyCenter,ayaa wargesyka The Gaudian u sheegtay in kororka magaca Maxamed ay keeneen muslimiinta Dalkaasi Ingiriiska sanadihii dambe kusoo batay.

Markii ugu horeysay ayaa waxaa Dalkaasi Ingiriiska lagu arkay 100 magac oo ah Maxamed oo caruur ku dhalatay dalkaasi Ingiriiska loo bixiyay sanadkii 1950, balse hadda tiradaasi kumanaan goor ay korartay.

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News