25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Magacyada Soomaalidii ay xasuuqday OROMADA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jigjiga (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Xasuuq ay Oromada u geysteen dad Soomaali ah oo ay ku jiraan Haween da’ ah.

Soomaalidan oo gaareysa Toban ayaa waxaa lagu xasuuqay degaanka Tuli-Guuleed oo ay weerar ku soo qaadeen ciidamada Oromada la keenay Jigjiga.

Meydadka dadkaani oo qaarkood aan la muuq aqoonsan Karin ayaa waxaa maanta la geeyay Isbitaalka weyn ee Jigjiga, si dadkoodii ay halkaa uga raadsadan meydadkooda.

Magacyada Meydadka dadka la dilay qaarkood ayaa ahaa:

1-Ismaaciil Maxamed Cali

2-Cabdi Salaan Maxamed Maxamuud

3-Xasan Cabdi Ducaale

4-Cabdullaahi Yuusuf

5-Cabdi Nuur Muuse

6-Axmed Maxamed Nuur

7-Cabduqaadir Maxamed Xaaji

Meydadka oo u badan haween ayaa walli yaala Isbitaalka waxa ayna eheladoodii ay diideen in aas loo sameeyo, iyadoo aan meel lagu hubsan kiiska xasuuqooda.

Dowlada Ethiopia ayaa ku guul dareysatay xakameynta colaadaha u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada oo gaartay heer uu sii kordho dhiiga.

Caasimada Online

Xafiiska Jigjiga

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News