MAHAD SALAAD oo jawaab cajiib ah ka bixiyey hadalkii ka soo baxay AMISOM

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa jawaab ka bixiyey qoraalkii maanta kasoo baxay hoggaanka ciidamada Amisom, kaasi oo ay isaga fogeeyeen inay kaalin ku lahaayeen xariga Mukhtaar Roobow. Hoos ka aqriso qoraalka xildhibaan Mahad Salaad, oo uu faceook soo dhigay:-

Dharka iyo gaadiidka Midowga Afrika miyaa suuqyada magaalada Baydhabo lagu gadaa mise?!

Shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa docwo ka dhan ah Ergayga gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb. Fransisco Madeira u gudbiyay Gudoomiyaha Midawga Afrika Moussa Faki iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Haysom.

Dacwadaan ayaa timid kadib markii ciidamada Itoobiya ee katirsan kuwa AMISOM ee jooga magaalada Baydhabo ay maalintii Khamiista soo afduubeen Mukhtaar Roobow. Afduubkaas oo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah iyo Xildhibaan katirsan Barlamaanka Koonfur Galbeed.

Iyagoo ka jawaabaya eedeyntaas ayaa saakay war saxaafadeed kasoo baxay xaafiiska Midawga Afrika waxay iskaga fogeeyeen in ay ku lug lahaayeen howl galkii lagu soo qabtay Mukhtaar Roobow iyo dhibkii ka dhashay.

Hadaba waxaa iswaydiin mudan TAANGIYADAAN ay ku buufsanyihiin magaca Midowga Afrika iyo CIIDAMADAAN labbisan dharkooda ma’ahan miyaa kuwoodii mise dharka iyo gadiidka Midowga Afrika ayaa suuqyada magaalada Baydhabo lagu gadaa?!

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com