26.8 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Mahad Salad oo war kasoo saaray go’aanka Kenya iyo siyaasada madaxda DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay facebook uga hadlay xiisadda cusub ee Soomaaliya iyo Kenya iyo go’aanka ay qaadatay Kenya ee ay ku sheeganeyso dhul-badeedka Soomaaliya.

Mahad Salaad ayaa shaaca ka qaaday inay siyaasadda ku kala duwanaan karaan isaga iyo madaxda ugu sarreysay dowladda ee Farmaajo iyo Kheyre, balse difaaca dalka uu yahay muqaddas. Hoos ka aqri qoraalka Mahad Salaad ee facebook

SIYAASADA WAAN KU KALA ARAGTI DUWANAAN KARNAA LKN DIFAACIDA DALKA WAA MUQADAS.

Inkastoo Madaxweyne Farmaajo iyo saaxiibadiis ay ku fashilmeen maareynta siyaasada arimaha dibedda Soomaaliya mudadii labada sano ahayd ee ay xukunka joogeen. Ayna soo galeen dagaalo siyaasadeed oo qaanada cadowga koobaad ee Soomaaliya lagu galiyay dowlado badan oo saaxiib iyo siyaasad wadaag la’ ahaa Soomaaliya kahor 8dii February 2017, maantana aanan lahayn hal dowlad oo Soomaaliya saaxiib la’ ah oo iskeena garabtaagta marka ay nasoo foodsaarto culaysyo nuucaan oo kale ah!

Haddana sidaas oo ay tahay, waxaa waajib nagu wada ah dhamaanteen in aan meel iska dhigno farqiga siyaasadeed ee inoo dhaxeeya, una istaagno difaacida midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya. Sababtoo ah waxa aan ku kala aragti duwanahay waa siyaasada majara habowsan iyo habdhaqanka hoggaanka dalka, lkn dalku waa hanti aan wada leenahay, qof walibana ay waajib ku tahay in uu dhinaciisa ka difaaco.

Sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqeynaa dowlada Kenya in ay ixtiraamto midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya, dhowrtana deris wanaaga iyo nabad ku wada noolaanshaha labada dowladood. Ayna ka waantowdo faragelinta arimaha gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaan ugu baaqeynaa in aysan u hoggaansamin cadaadiska iyo cago-jugleynta dowlada Kenya aysana gorgortan ka gelin taako dhulkeena kamid ah.

Mahadsanidiin.
Hon. Mahad Salad

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News