Mahdi Guuleed oo shaaciyey inta ay le’eg tahay rajada Soomaaliya ee kiiska badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha xilka Ra’iisal wasaare ku-xigeenka oo horkacaya  wafdi culus oo dowladda u dirtay dalka Netherland, gaar ahaan magaalada Hague, si ay u gudbiyaan gal-dacwadeedka Badda ee haatan horyaalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa ka hadlay kiiska Badda ee kala dhaxeeya Kenya.

Mahdi Guuleed ayaa muujiyey rajo wanaagsan oo uu ka qabo inay Soomaaliya guul kasoo hoyn doonto dacwadaas oo marxalado kala duwan soo martay tan iyo markii la gudbiyey dacwadaan, ayada oo dib u dhacyo badan wajahday.

“15-ka Maarso 2021 ayay bilaaban doontaa in dacwadda la dhageyso, rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa in aan guul ka gaarno halganka badda oo maraaxil kala duwan soo maray, kalsooni wayn baan qabnaa, 2019-kii dabayaaqadkeeda ayay ahayd in la isugu yimaado dhageysiga dacwadda balse sababo jiro awgeed & cudurka Covid-19, hadda diyaar ayaan u nahay,” ayuu yiri.

Mahdi ayaa horkacaya wafdi u badan wasiiro oo ay qeyb ka yihiin xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo diblumaasiyiin ka qaybg-alaya dacwadda Badda ee wadamada Soomaaliya iyo Kenya, kuwaasi oo ka qeyb-galaya dhageysiga dacwada oo dhaceysa toddobaad kadib.

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha qaranka, Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa dhankiisa sheegay ‘in u halganka badda uu qayb ka yahay xorriyadda waddanka’, islamarkaana Soomaalida guud ahaan mas’uuliyad ka saaran tahay sidii loo garab istaagi lahaa qareennada difaacaya Badda Soomaaliya.

“Kenya marar kala duwan ayay codsiyo u dirtay maxkamadda ICJ si dib loogu dhigo dacwadda, badda Soomaaliya waa qayb kamid ah xorriyadda & awoodda Dalka, dastuurka dalka ayaa dhigaya in aan la aqbali karin in taako kamid ah dhulka, badda & cirka Soomaaliya lagu soo xad-gudbo, ujeedkii Soomaaliya ay ugu biirtay ICJ 1963-dii waxa ay ahayd in sidaan oo kale si nabadgalyo ah ugu gudbiso dacwadaha tan lamid ah,” ayuu yiria.

Dhaq-dhaqaaqa socda ee dacwadda Badda ayaa kusoo aadaya, iyadoo ay Kenya marar badan isku dayday inay dib u dhigto kiiskan, balse ay ku gacan seertay Maxkamadda ICJ.

Si kastaba, dhageysiga dacwaddan ayaa toos loo guda-geli doono 15-ka bishan March oo ku beegan Isniinta soo socota, iyada oo dowladaha Soomaliya iyo Kenya ay heystaan qareeno ajaanib ah iyo sidoo kale khubaro sare oo u kala doodaya labada dhinac.