27.2 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Malaayiintii dollar ee Turkiga uu siin jiray Soomaaliya oo gaabis uu ku yimid

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in dib u dhac ku yimid kabkii lacageed ee miisaaniyadda dowladda Turkiga ku bixin jirtay Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in sanadkan aysan soo gaarin dowladda kabkii lacageed ee Turkiga.

Waxa uu sheegay in sanad walba ay Dowladda Federaalka joogto uga heli jirtay Soomaaliya, balse sanadkaan gaba-gabada maraya aysan weli bixin lacagihii kabka ahaa ee ay caadiyan ku taageeri jireen miisaaniyadda dowladda.

“Kabka sanadkan ee ay bixin jirtay dowladda Turkiga, oo gaarayay 30 milyan oo doollar, ayaa gaabis ku yimid. Sannadihii hore si joogto ah ayay u bixin jireen,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda ay ka heshay dhaqaalihii kabka miisaaniyadda inta badan xubnaha beesha caalamka, sida Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo dalal kale oo saaxiib la ah Soomaaliya.

Waxaa durba la isweydiinaya sababta Turkiga oo ka mid ah dowladaha ugu dhow Soomaaliya, uusan weli sannadkan soo bixin kabkii uu ku taageeri jiray miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xilli miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadkan ay ka badan tahay hal bilyan oo doollar, taas oo hortaalla baarlamaanka Soomaaliya si loo ansixiyo.

Tan ayaa imaneysa xilli Soomaaliya ay wajaheyso dhaqaale yari baahsan oo saameyn weyn ku leh dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Xaaladdan dhaqaale ayaa ka dhalatay arrimo badan, oo ay ka mid yihiin khilaafaadyada siyaasadeed, hoos u dhaca taageerada caalamiga ah iyo caqabadaha gudaha.

Dowladda Soomaaliya waxay waddaa dadaallo ay ku doonayso dhismaha mustaqbal dhaqaale oo xasilloon, iyada oo ka faa’iideysanaysa fursadaha dhaqaalaha badda iyo beeraha, inkastoo caqabaduhu ay weli jiraan.

- Advertisement -

Read more

Local News