25.7 C
Mogadishu
Tuesday, June 17, 2025

Maleeshiyaad xanibay diyaarad uu raaci lahaa Cali Khaliif Galeyr

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Buuhoodle (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in la xanibay Diyaarad uu ku safri lahaa Hogaamiyaha maamulka Khatumo Cali Khaliif Galeyr.

Diyaarada uu ku socdaali lahaa Cali Khaliif, ayaa waxaa is hortaagay Maleeshiyo beeleed isku uruursaday gegida dayuuradaha ee magaaladda Buuhoodle.

Hogaamiye Cali Khaliif, ayaa xiligaasi kusii jeeday magaaladda Jabuuti oo ugu socdaalaayay arrimo la xiriira maamulkiisa.

Diyaarada Cali Khaliif ayaa la xanibay dhowr saac, waxaana iminka la sheegayaa in xanibaad kadib dib loo fasaxay diyaarada.

Maleeshiyaadka xanibaada sameysay ayaa la sheegay inay ka amarqaadanayeen nin lagu magacaabo Cabdifataax Baydan kaa oo sheegtay inuu yahay Taliyaha ciidanka difaaca Buuhoodle.

Ciidankaasi oo hub watay ayaa garoonka galay oo xannibay diyaaradii qaadi lahayd Cali Khaliif iyo wafdigiisa .

Cali Khaliif ayaa caqabado kala duwan kala kulmaaya Siyaasada Somalia, waxaana isku baheysanaaya Dowlada Somalia, Puntland iyo maamulka Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Buuhoodle
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News