Man City oo Janaayo 46 milyan oo ginni kusoo qaadaneysa Radamel Falcao (Warbixin)

Manchester City ayaa diyaarineysa dalab 46 milyan oo ginni ah oo ay Chelsea kaga dul qaadeyso gool ma gefaha kooxda Atletico Madrid Falcao.

26 jirka weerarka ka ciyaara ee u dhashay dalka Colombia, ayaa 11 gool dhaliyey todobo kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkaan, waxaana si aad ah loola xiriirinaayey kooxaha ugu tunka weyn Yurub.

Chelsea ayaa isku diyaarineysay inay la kulanto ciyaaryahanka kasoo sedaxleey ka dhaliyey markii uu ku wajahay European Super Cup, laakiin hujuunka ay u dirtay Man City Carlo Cancellieri ayaa daaha ka qaaday inuu tababaraha Sky Blue Roberto Mancini uu sidoo kale xiiso u qabo weeraryahankii hore ee kooxda Porto.

City ayaa horay loola xiriirinaayey weeraryahanka kooxda Fiorentina Stevan Jovetic. Laakiin Cancellieri ayaa hoos u dhigay fursad uu ugu soo wareegi karo Etihad Stadium.

“Isaga [Jovetic] waa ciyaaryahan aan xiiseyneyno, wuxuu leeyahay tayo. Laakiin weerarka City inta badan waa uu wanaagsan yahay waxaan ku farax sanahay heysashadeena Tevez, Aguero iyo Balotelli.” Ayuu u sheegay tuttomercatoweb.com.

“Intaa waxaa sii dheer, waxaan rumeysanahay in ciyaartoydeenu ay ka wanaagsan yihiin Jovetic. Waa ciyaaryahan fiican, balse ma ahan mid isbebel sameyn kara sida Falcao.

“Waxaan dhowaan arinkiisa kala hadlay Mancini. Hadii aan ciyaaryahan soo qaadan karno Janaayo, waxaan soo qaadan doonaa Falcao. Waa ciyaaryahan muhim inoo ah, waana ciyaaryahanka keliya ee hugaanka noo dhiibi kara.”

W/Q: Ahmed Farah Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.