26.8 C
Mogadishu
Wednesday, July 16, 2025

Mareykanka iyo lixda dal ee Khaliijka Carabta oo qaaday tallaabo la xiriirta Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Maraykanka iyo lix dal oo Khaliijka ah ayaa cunaqabateyn isku dubbaridan ku soo rogay saddex shaqsi oo lagu eedeeyay inay maalgelin iyo fududeyn u sameeyeen hawlgallada Daacish ee guud ahaan Qaaradda Afrika, oo uu ku jiro hoggaamiyaha muddada dheer soo ahaa laanta kooxda ee Soomaaliya.

Go’aamadan oo Isniintii ay ku dhawaaqday Xarunta La Dagaalanka Maalgelinta Argagixisada (Terrorist Financing Targeting Center – TFTC), ayaa lala beegsaday Cabdiweli Maxamed Yuusuf, oo ah madaxa Daacish-Soomaaliya, iyo sidoo kale xubno ku xiran Daacish oo ku sugan Koonfur Afrika iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo. Talaabadan ayaa ah tii siddeedaad oo wadajir ah oo ay qaadaan isbahaysigan, kaas oo la aasaasay sannadkii 2017 si loo carqaladeeyo shabakadaha maalgelinta argagixisada.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Maaliyadda ee Maraykanka (U.S. Treasury), Yuusuf waxa uu ahaa sarkaalka ugu sarreeya ee dhanka maaliyadda ee kooxda Daacish-Soomaaliya tan iyo 2019, isaga oo kormeerayay ururinta iyo bixinta dhaqaalaha kooxda.

Maamulkiisa hoostiisa, Daacish-Soomaaliya waxay faro-maroojisay $2.5 milyan sannadkii 2021 iyo ku dhowaad $2 milyan lixdii bilood ee ugu horreysay ee 2022, kuwaas oo ay ka qaateen ganacsiyada, suuqyada xoolaha, badeecadaha la soo dhoofiyo, iyo beeraha Puntland iyo Muqdisho. Dakhligaas, sida ay sheegeen saraakiishu, waxa uu maalgeliyay hawlgallada gudaha Soomaaliya oo keliya maaha, balse sidoo kale kacdoonnada ka socda Congo, Uganda, iyo Mozambique.

“Talaabada wadajirka ah ee maanta waxay hoosta ka xarriiqaysaa ballanqaadkeena wadaagga ah ee ah in aan carqaladeyno awoodda Daacish iyo kooxaha kale ee argagixisada inay galaan nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah meel kasta oo ay isku dayaan inay ka hawlgalaan,” ayuu yiri Bradley T. Smith, oo ah ku-simaha kaaliyaha xoghayaha ee argagixisada iyo sirdoonka maaliyadeed ee Wasaaradda Maaliyadda ee Maraykanka.

Yuusuf waxa uu ka tirsan yahay hoggaan sare oo si toos ah uga amar qaata Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud, oo ah amiirka hadda ee Daacish-Soomaaliya, iyo Cabdiqaadir Mu’min, oo ah aasaasaha Daacish-Soomaaliya ahna madaxa xafiiska Al-Karraar, oo ah xarun goboleed oo Daacish ay ku leedahay Soomaaliya, taas oo mas’uul ka ah isku dubbaridka taageerada maaliyadeed iyo hawlgallada guud ahaan Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Saraakiisha sirdoonka Maraykanka waxay aaminsan yihiin in Yuusuf uu door muhiim ah ka ciyaaro nidaamka maaliyadeed ee ay gobol ahaan u wadaagaan, kaas oo dhaqaalaha laga soo ururiyo Soomaaliya lagu wareejiyo Al-Karraar ka dibna loo qaybiyo laamaha kale ee Daacish ee hoos yimaada Taliska Guud ee Gobollada (General Directorate of Provinces – GDP) ee shabakadda caalamiga ah.

Qaabkan ayaa u oggolaaday Daacish inay sii wado dagaalyahannadeeda Gobolka Bartamaha Afrika (Central Africa Province – ISCAP) iyo Gobolka Mozambique, kuwaas oo labaduba ay qaadeen weerarro dhimasho badan geystay sannadihii u dambeeyay.

Cunaqabateyntan ayaa xannibaysa hantida ku xiran Maraykanka ee ay haystaan shaqsiyaadkaas, waxayna ka mamnuucaysaa muwaadiniinta iyo shirkadaha Maraykanka inay ganacsi la sameeyaan iyaga.

Yuusuf waxa markii ugu horreysay lagu soo rogay cunaqabateyn xarunta Xakamaynta Hantida Dibadda (Office of Foreign Assets Control – OFAC) bishii Luulyo 2023, taas oo hoos imanaysa Amarka Fulinta 13224, kaas oo lala beegsado shaqsiyaadka siiya taageero muuqata ururada argagixisada. 

Sidoo kale cunaqabateynta waxaa lagu soo rogay Xamiida Nabagala, oo ah maalgelisa ku sugan DRC, iyo Zayd Gangat, oo ah fududeeye iyo tababare ka socda Koonfur Afrika. Nabagala waxa lagu eedeeyay maalgelinta qaraxii Oktoobar 2021 ka dhacay Kampala, kaas oo sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca ugu yaraan saddex kale.

Maamulka ayaa sheegay inay sidoo kale isku dayday inay caruurteeda u dirto xeryo ku xiran Daacish oo ku yaalla bariga Koongo, islamarkaana ay u dirtay lacag xubin ay ciidamada ammaanka Uganda xireen.

Gangat waxa loo aqoonsaday inuu yahay qore iyo tababare u shaqeeya Daacish, waxaana lagu eedeeyay inuu fududeeyay xaqiijinta dhaqaalaha iyada oo loo marayo dhac, faro-maroojin, iyo afduub-madax furasho ah oo ka dhaca Koonfur Afrika.

Daacish-Soomaaliya waxay inta badan ka hawlgashaa gobolka buuraleyda ah ee Bari ee Puntland, halkaas oo ay muddo dheer ku tiirsaneyd faro-maroojin iyo dilal qorsheysan si ay u maalgeliso hawlaheeda.

Inkasta oo ay ka yar tahay Al-Shabaab, Wasaaradda Maaliyadda ee Maraykanka waxay ku tilmaantay Daacish-Soomaaliya inay tahay marin maaliyadeed oo istiraatiiji ah oo isku xira shabakadaha Daacish ee guud ahaan Afrika, laga bilaabo Mozambique ilaa Sahel. 

Tan iyo dabayaaqadii 2024, ciidamada ammaanka Puntland waxay bilaabeen Hawlgalka Hilaac, oo ah olole milatari oo joogto ah oo looga danleeyahay burburinta goobaha ay kooxdu ku leedahay buuraha Cal Miskaad. Hawlgalkaan, oo hadda maraya wajigiisii afraad, ayaa sababay dilka tobannaan dagaalyahan, burburinta xarumo muhiim ah oo saadka la iskugu keeno, iyo dib u qabsashada goobo waaweyn oo ay ka mid yihiin Buqa Caleed iyo Togga Miraale.

Hawlgal bishii Juun dhacay, ciidamada Daraawiishta Puntland waxay ku dileen in ka badan 35 dagaalyahan, oo ay ku jiraan xubno ajnabi ah, waxaana lagu qabtay hub badan oo ku yaalla marinka Miraale-Balade. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyay Daacish inay malaayiin doollar ka faro-maroojisay bulshooyinka deegaanka iyada oo loo marayo shabakado dembi, isaga oo ka digay in hawlaha maaliyadeed ee kooxdu ay wiiqeen xasilloonida gobolka. 

Xarunta TFTC waxaa xubno ka ah Maraykanka, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Qatar, Kuwait, Baxrayn, iyo Cumaan. Waxay isku dubbaridaa wadaagga sirdoonka, dhaqangelinta cunaqabateynta, iyo dhisidda awoodda si loo xannibo maalgelinta xagjirnimada guud ahaan gobolka.

- Advertisement -

Read more

Local News