28.9 C
Mogadishu
Sunday, February 1, 2026

Mareykanka oo $71 milyan ku maal-gelinaya saldhig lagala dagaalamo Al-Shabaab

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Lamu (Caasimada Online) – Dawladda Maraykanka iyo xukuumadda Kenya ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay mashruuc ballaaran oo ku kacaya $71 milyan, kaas oo lagu casriyeynayo dhabaha dayuuraduhu ka haadaan ee saldhigga ciidamada ee Manda Bay.  

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika.

Mas’uuliyiin ka tirsan milatariga labada dal ayaa Khamiistii daah-furay dhismaha mashruucan, kaas oo dhabaha dayuuradaha (runway) gaarsiin doona dherer dhan 10,000 oo fiit (feet).  

Kharashka ku baxaya dhismaha mashruucan waxaa bixinaysa Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, waxaana looga golleeyahay in lagu kordhiyo awoodda saadka iyo isku-socodka ciidamada ee gobolka.

Janaraal Dagvin R.M. Anderson oo ka tirsan Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), oo goobjoog ka ahaa munaasabadda, ayaa sheegay in ballaarinta saldhiggan ay tahay tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa iskaashiga dhanka amniga ee ka dhexeeya labada dal.

“Waa caddahay sida mashruucani u xoojinayo amniga Kenya, balse sidoo kale wuxuu xoojinayaa amniga dhammaanteen,” ayuu yiri Janaraal Anderson.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Kenya ayaa dhankeeda ku tilmaantay mashruucan “tallaabo istiraatiiji ah oo wax-ku-ool ah,” iyadoo sheegtay in ballaarinta garoonka ay sahli doonto in dayuuradaha xamuulka culus ay si fudud u isticmaalaan saldhigga. Tani ayaa la filayaa inay sare u qaaddo awoodda taageerada ciidamada iyo hawlgallada wadajirka ah ee laga fuliyo xuduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Maraykanka ayaa sanadihii u dambeeyay maalgelin xooggan ku samaynayay xarumaha ay ciidamadoodu kaga sugan yihiin Kenya, gaar ahaan kuwa ku dhow xuduudda Soomaaliya, halkaas oo ay ka fuliyaan hawlgallo joogto ah oo lagula dagaallamayo Al-Shabaab.

Muhiimadda istiraatiijiyadeed ee saldhigga Manda Bay ayaa soo shaac-baxday bishii Janaayo ee sannadkii 2020-kii, kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen xerada Camp Simba oo ku taal isla deegaankaas.

Weerarkaas waxaa lagu dilay askari Maraykan ah oo lagu magacaabi jiray Henry Mayfield Jr., iyo laba qandaraasle oo u shaqeynayay Waaxda Difaaca, kuwaas oo kala ahaa Dustin Harrison iyo Bruce Triplett. 

Wixii ka dambeeyay weerarkaas, Taliska AFRICOM iyo ciidamada Kenya ayaa si weyn u adkeeyay amniga saldhigyada Manda Bay iyo Camp Simba, si loo xaqiijiyo badqabka ciidamada loogana hortago khataraha joogtada ah ee kaga imanaya kooxaha argagixisada.

- Advertisement -

Read more

Local News