25.8 C
Mogadishu
Thursday, January 1, 2026

Mareykanka oo ballan qaad culus u saameeyay Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

New York (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ballan qaaday inay sii xoojineyso taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxaha argagixisada.

Ergeyga KMG ah ee Mareykanka u jooga Qaramada Midoobay, John Kelley oo hadal ka jeediyay kulan ay yeeshen Golaha Ammaanka ayaa sheegay in dowladdiisy ka go’an tahay dagaalka lagula jiro argagixisada Soomaaliya, ayna sii wadi doonaan taageeradooda.

John Kelley ayaa sidoo kale xusay in haatan la gaaray waqtigii ay dalalka kale ee daneeya arrimaha amniga Soomaaliya ay xoojin lahaayeen taageeradooda dhaqaale, si looga miro dhaliyo dadaallada muddada dheer soo socday ee ku aadan ciribtirka argagixisada.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Soomaaliya ay weli ka jirto qatarta argagixisada, sidaas daraadeedna loo baahan yahay in la kordhiyo iskaashiga u dhexeeya QM iyo Midowga Afrika oo muhiim u ah dadaallada nabadda iyo xasilloonida qaaradda Afrika.

“Maraykanku wuxuu weli u taagan yahay dagaalka argagixisada ee Soomaaliya, balse hadda waa waqtigii dalalka kale ee daneeya amniga iyo mustaqbalka Soomaaliya ay kordhin lahaayeen kaalmooyinkooda dhaqaale,” ayuu yiri Danjire John Kelley.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka waa wayn ee ka qayb-qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, wuxuuna sidoo kale taageero wayn siiyaa ciidamada Xoogga dalka.

Duqeyntii 81-aad ayuu shalay Mareykanka ka fuliyay deegaannada maamulka Puntland, taas oo qeyb ka ah howlgallada joogtada ah ee uu ka wado gudaha Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi uu ka dhacay meel qiyaastii 60KM u jirta magaalada dekedda ah ee Boosaaso, isla markaana uu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan halkaas.

Mareykanka ayaa muddo dheer taageero militari siiya ciidamada Puntland ee la-dagaallamaya kooxaha Daacish, maadaama maamulkaas uusan si toos ah u helin taageero ka timaadda dowladda federaalka ah ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Read more

Local News