Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa marti-gelisay kulan ballaaran oo dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo taliyaha cusub ee AFRICOM, Jeneral Dagvin R. M. Anderson.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Jeneral Anderson ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh la wadaagay qorshaha ciidamada Mareykanka ee Afrika ku wajahan la-dagaallanka kooxaha xagjirka ah.
Taliyaha Mareykanka ayaa si cad u muujiyay sida Washington uga go’an tahay inay taageerto Soomaaliya si loo adkeeyo awoodda ciidamada qaranka.
Mareykanka ayaa qorsheynaya in taageeradiisa cusub ay ku jiraan hawl-gallo cirka ah oo lagu beegsanayo bartilmaameedyada kooxaha argagixisada, is-weydaarsi sirdoon, tababaro ciidan iyo caawimaad kale oo lagu dhisayo awoodda difaaca ee Soomaaliya.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada-hadlay xaaladda amniga guud ee Geeska Afrika, iyagoo si gaar ah uga dooday khataraha ka imaanaya kooxaha hubeysan ee xuduudaha gudba iyo muhiimadda iskaashi goboleed oo xooggan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahad-celiyay AFRICOM taageerada joogtada ah, wuxuuna xusay in Soomaaliya ay sii xoojin doonto iskaashiga caalamiga ah si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo xasillooni gobolka ka hirgasha.
Booqashada Jeneral Anderson ee Muqdisho ayaa qeyb ka ah safar uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka Afrika ee ay ciidamada Mareykanka ka joogaan, taas oo astaan u ah sida Mareykanku u daneynayo xasillinta gobolka iyo garab istaagga Soomaaliya.

