25.5 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Mareykanka oo dal Afrikaan ah kula heshiiyey in uu qaabilo muhaajiriinta la soo tarxiilayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka iyo Rwanda ayaa ku heshiiyay in dalkaas Afrikaanka ah uu qaabilo ilaa 250 muhaajiriin ah oo laga soo tarxiilay Mareykanka, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyeen afhayeenka dowladda Rwanda iyo sarkaal kale. Tallaabadan ayaa imanaysa xilli maamulka madaxweyne Donald Trump uu wado siyaasad adag oo ka dhan ah socdaalka.

Heshiiskan, oo markii ugu horreysay la baahiyay bishii June, ayaa lagu saxiixay magaalada Kigali, waxaana saxiixay mas’uuliyiin ka kala socday Mareykanka iyo Rwanda, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda Rwanda oo codsaday in magaciisa la qariyo. Sarkaalka ayaa intaa ku daray in Washington ay horey u dirtay liis hordhac ah oo ka kooban 10 qof oo la hubinayo.

“Rwanda waxay la heshiisay Mareykanka inay aqbasho ilaa 250 muhaajiriin ah, waxaana sababta qayb ka ah waaya-aragnimada taariikheed ee uu qoys kasta oo reer Rwanda ah la kulmay xilliyo barakac, iyo qiyamka bulshada oo ku saleysan dib-u-dhexgalka iyo dhaqancelinta,” ayay tiri afhayeenka dowladda Rwanda, Yolande Makolo.

“Sida ku cad heshiiska, Rwanda waxay xaq u leedahay inay oggolaato ama diiddo shakhsi kasta oo loo soo jeediyo in dib u dejin loogu sameeyo. Kuwa la ansixiyo waxaa la siin doonaa tababar xirfadeed, daryeel caafimaad, iyo taageero hoy si ay noloshooda dib uga bilaabaan Rwanda, taasoo siinaysa fursad ay kaga qayb qaataan mid ka mid ah dhaqaalaha ugu kobaca badan adduunka tobankii sano ee la soo dhaafay.”

Aqalka Cad iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka weli kama aysan bixin wax jawaab ah arrintan. Sidoo kale, Wasaaradda Amniga Gudaha (Department of Homeland Security) ayaa su’aalaha la xiriira heshiiskan u gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Madaxweyne Trump ayaa hiigsanaya inuu dalka ka masaafuriyo malaayiin muhaajiriin ah oo si sharci-darro ah ku jooga Mareykanka. Maamulkiisu wuxuu muddooyinkii dambe raadinayay waddo uu ku kordhiyo masaafurinta loo wareejinayo dalal saddexaad. Tallaabooyinkaas waxaa ka mid ahaa in dembiilayaal xukun lagu riday loo diro dalalka South Sudan iyo Eswatini (oo horey loo oran jiray Swaziland).

Sanadihii la soo dhaafay, Rwanda waxay isu muujisay dal diyaar u ah inuu qaabilo muhaajiriinta ay dalalka reer Galbeedku doonayaan inay iska fogeeyaan. Si kastaba ha ahaatee, ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa walaac ka muujiyay in Kigali aysan ixtiraamin xuquuqaha aasaasiga ah ee dadka.

Bishii May, wasiirka arrimaha dibadda ee Rwanda wuxuu sheegay in dalkiisu uu ku jiro wejiyadii hore ee wadahadallo ku saabsan qaabilaadda muhaajiriinta laga soo tarxiilo Mareykanka.

Maamulka Trump ayaa ku doodaya in tarxiilidda muhaajiriinta loo wareejinayo dalal saddexaad ay gacan ka geysanayso in si degdeg ah loo fuliyo masaafurinta, gaar ahaan kuwa leh diiwaanno dembiyeed. Dhinaca kale, dadka u ol’oleeya xoojinta sharciyada socdaalka ayaa u arka in habkan lagu maareyn karo dembiilayaasha aan si sahlan dib loogu celin karin dalalkoodii, kuwaasoo khatar ku noqon kara bulshada.

Dadka arrintan kasoo horjeeda ayaa dhaleeceyn u jeediyay, iyagoo ku tilmaamay tarxiillada noocan ah kuwo naxariis-darro ah, maadaama dadka loo diri karo dalal ay kala kulmi karaan rabshado, aysan lahayn xiriir la taaban karo, ama aysan ku hadlin luqadda dalkaas.

Mareykanka oo deeq lacag siinaya Rwanda

Mareykanka ayaa Rwanda siin doona deeq lacageed, sida uu sheegay sarkaalka, isagoo intaas ku daray in heshiiska deeqda la dhameystiray bishii July. Sarkaalka ayaa diiday inuu bixiyo faahfaahin ku saabsan cadadka deeqda.

Sida uu sheegay isla sarkaalka, labada dhinac waxay kordhin karaan tirada dadka lagu wareejinayo heshiiska haddii ay sidaas ku heshiiyaan. Waxa uu intaas ku daray in dadka loo tarxiilo Rwanda aan lagu qasbayn inay sii joogaan dalkaas; waxayna fursad u heli doonaan inay ka baxaan xilliga ay doonaan.

Kigali waxay aqbali doontaa kaliya muhaajiriinta dhameystay xukunadooda xabsiga ama aan wax dacwad ah lagu wadin. Lama aqbalayo dad lagu helay dambiyo la xiriira faraxumeynta carruurta, maadaama aysan jirin heshiis u oggolaanaya in Rwanda lagu fuliyo xukun maxkamadeed oo ka yimid Mareykanka, sida uu sarkaalka xusay.

Maamulka Trump wuxuu cadaadis saaraya dalal kale si ay u qaabilaan muhaajiriinta. Bishii Maarso, in ka badan 200 oo muwaadiniin Venezuelan ah oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin burcad ayaa loo tarxiilay dalka El Salvador, halkaas oo lagu xiray ilaa bishii hore laga sii daayay, kadib markii lagu beddelay maxaabiis kale.

Bishii June, Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu muhaajiriinta u tarxiilo dalal saddexaad iyadoo aan la siin fursad ay ku muujiyaan inay waxyeello ka soo gaari karto. Si kastaba ha ahaatee, sharci ahaanshaha tallaabadan ayaa weli dacwad ka furan tahay maxkamad federaal ah oo ku taalla magaalada Boston. Kiiskan ayaa suurtagal ah in uu mar kale dib ugu laabto Maxkamadda Sare oo hadda u janjeerta dhinaca muxaafidka.

Hoggaamiyeyaasha reer Galbeed iyo kuwa gobolka ayaa ku ammaanay Madaxweyne Paul Kagame sida uu dalkiisa uga soo saaray burburkii ka dhashay xasuuqii 1994-kii oo ay ku dhinteen in ka badan hal milyan oo qof, una beddelay waddan leh dhaqaale kobcaya. Si kastaba ha ahaatee, ururada xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay inuu ku kacay xadgudubyo iyo inuu taageero siiyo kooxo fallaago ah oo ka dagaallama Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo—eedeeymo uu Kagame si adag u beeniyay.

Rwanda waxay sidoo kale qayb ka ahayd wadahadallo nabadeed oo uu Mareykanku hoggaaminayay, kuwaasoo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadaha ka jira bariga Congo. Labada dal ayaa bishii June magaalada Washington ku kala saxiixday heshiis nabadeed oo uu Mareykanku dhexdhexaadinayay, kaasoo rajo laga muujiyay in uu soo afjaro dagaallo sanadkan oo keliya sababay kumanaan dhimasho ah iyo barakaca boqollaal kun.

Heshiiska cusub ee lagu qaabilayo muhaajiriinta Mareykanka laga soo tarxiilay ma ahan kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo Rwanda gasho. Sannadkii 2022, Kigali waxay heshiis la saxiixatay Britain si ay u qaabilaan kumanaan magangalyo-doon ah. Heshiiskaas waxaa sanadkii hore laalay ra’iisul wasaarihii cusub ee Keir Starmer, iyadoo aan hal qofna loo dirin Rwanda intii uu qorshahaasi socday sababo la xiriiray dacwado sharciyeed oo sannado qaatay.

- Advertisement -

Read more

Local News