24.4 C
Mogadishu
Wednesday, August 20, 2025

Mareykanka oo digniin kasoo saaray weeraro ay Al-Shabaab ka fulin karto…

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa soo saartay digniin cusub oo amni, taas oo lagu wargelinayo muwaadiniinteeda iyo ajaanibta kale in ay ka digtoonaadaan weerarro ay fuliyaan Al-Shabaab iyo kooxo kale oo ay safaaraddu ku tilmaantay argagixiso.

Qoraalka safaaradda ayaa lagu sheegay in dadka lagula talinayo in ay ka fogaadaan goobaha bulshada iskugu timaado, kuwaas oo lagu tilmaamay hoteellada, maqaaxiyada, suuqyada, iskuullada, xarumaha booliiska iyo goobaha cibaadada.

Safaaraddu waxay intaas ku dartay in weerarradu dhici karaan xilli digniin hore jirto iyo xilli aanay jirin midna, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in muwaadiniinta iyo ajaanibta kale ee ku sugan dalka ay mar walba muujiyaan feejignaan sare.

Warsaxaafadeedka safaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in kooxaha weerarrada fuliya ay isku dayi karaan inay weerarro cusub ku xusuusiyaan dhacdooyinkii hore, sida weerarkii lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee Nairobi, midkii Westgate Mall iyo weerarkii Xamaas ee Israa’iil.

“Waxaan ogeysiinaynaa muwaadiniinta Mareykanka iyo dadka kale ee ku sugan Kenya in ay dhici karaan weerarro argagixiso oo lagu maamuusayo dhacdooyinkii hore ee 7-dii Agoosto ee safaaradda Nairobi, 11-kii Sebteembar ee Mareykanka, 21-kii Sebteembar ee Westgate Mall iyo weerarkii Xamaas ee Israa’iil 7-dii Oktoobar,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.

Waxaa xusid mudan in safaaradda Mareykanka ee Nairobi ay hore u soo saartay digniino la xiriira khataro weerarro oo dalka Kenya ka dhici kara, qaar ka mid ahna ay dhab noqdeen halka kuwo kalena aanay hirgelin.

Mid ka mid ah digniinahaas hore ayaa ahayd suuragalnimada weerarro loo adeegsado diyaarado oo ka dhaca gudaha Kenya.

- Advertisement -

Read more

Local News