Ciidamada Mareykanka oo weerar fuliyey Soomaaliya iyo khasaaraha ka dhashay

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay duqeyn cusub oo oo 17-kii bishaan July ee 2022-ka ka fulisay waqooyi galbeed ee magaalada Kismaayo, gaar ahaan deegaanka Libiskuus oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose.

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaan oo ay la kaashadeen ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Danab lagu dilay laba sarkaal oo ka tirsanaa xoogaga Al-Shabaab, sida lagu xaqiijiyey hordhaca qiimeynta la sameeyey.

AFRICOM ma shaacin magacyada saraakiisha la dilay iyo waxyaabaha ay u qaabilsanaayeen Al-Shabaab, balse waxa ay tilmaamtay inay weli wado xog uruurin ku aadan weerarkaas.

Sidoo kale taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin khasaare duqeyntaasi kasoo gaaray shacabka ku dhaqan deegaanka la weeraray.

“Howlgalkeenna wadajirka ah ee Mareykanka ayaa loo fasaxay inay fuliyaan weeraro ay ku difaacayaan ciidamada ka jooga Soomaaliya. Qiimeynta hordhaca ah ee taliska helay ayaa sheegaya in labo ka mid ah Al-Shabaab lagu dilay howlgal iyo in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama lagu dilay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska AFRICOM.

Mareynkanka ayaa sidoo kale xusay inuu sii wadayo duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab si uu uga hortego weerarada culus ee ay ka fuliyeen koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Weerarkaan cusub ayaa kusoo aadayo, ayada oo madaxweyne Joe Biden uu Bishii May ee sanadkan 2022-ka aqbalay go’aan Soomaaliya dib loogu soo celiyey ciidamada Mareykanka iyo in dib loo bilaabo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka fulin jireen dalkeenna.