24.7 C
Mogadishu
Tuesday, October 7, 2025

Mareykanka oo duqeyntii 81-aad ka fuliyay Puntland iyo xogaha kasoo baxaya

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa shaaciyay inuu duqayn cirka ah ka fuliyay deegaannada maamulka Puntland, taas oo qeyb ka ah howl-galada joogtada ah ee Mareykanku ka wado Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu ka dhacay meel qiyaastii 60KM u jirta magaalada dekedda ah ee Boosaaso, isla markaana uu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan halkaas.

Taliska Mareykanka ma bixin faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha weerarka, balse waxa uu sheegay in duqayntan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu wiiqayo awoodda kooxaha argagixisada ee ku sugan waqooyiga Soomaaliya.

Mareykanka ayaa muddo dheer taageero militari siiya ciidamada Puntland ee la-dagaallamaya kooxaha Daacish, maadaama maamulkaas uusan si toos ah u helin taageero ka timaadda dowladda federaalka ah ee Muqdisho fadhigeedu yahay.

Weerarkan ayaa noqonaya kii 81-aad ee Mareykanku ka fuliyo gudaha Soomaaliya sanadkan, iyadoo tiradaasi ay jebisay rikoodhkii hore ee duqaymaha sanadkii 2019 lagu qaaday, xilligii uu xilka hayay Donald Trump.

Intii uu Trump joogay Aqalka Cad, Mareykanku waxa uu sameeyay duqaymo badan oo ka dhan ah kooxaha argagixisada, halka Madaxweyne Joe Biden uu afartii sano ee la soo dhaafay fuliyay 51 duqayn oo keliya.

Howl-gallada Mareykanka ayaa sidoo kale ka socda gobollada bartamaha iyo koonfurta dalka, halkaas oo uu taageero u fidiyo ciidamada dowladda federaalka ah ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

Dhawaan, AFRICOM ayaa sheegtay masuuliyadda duqayn ka dhacday gobolka Sanaag, taas oo lagu dilay nin ay ku tilmaameen ganacsade hub u kala gudbiya Al-Shabaab.

Hase yeeshee, dadka deegaanka iyo ehelada ninka la dilay ayaa si adag u diiday sheegashada AFRICOM, iyagoo ku adkaystay in uu ahaa oday nabadoon caan ah oo aan wax xiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada.

Duqeyntaas oo xiisad xooggan ay ka dhalatay ayaa lagu dilay Caaqil Cumar Cabdullahi Cabdi oo kamid ahaa waxgaradka gobolka Sanaag, kaas oo gaarigiisa lagu dhuftay gantaallo, xilli uu kasoo baxay deegaanka Ceelbuh, kuna sii jeeday degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Inkastoo taliska AFRICOM uu sheegay inuu duqeyn ka geystay Sanaag, balse ma shaacin magaca ninka la dilay iyo waxa uu qabanayay xilliga la dilay.

Gaariga caaqilka ayaa lagu dhuftay 3 gantaal, mana jirin cid kale oo la socotay, sida uu xaqiijiyay Cali Cabdullaahi oo la dhashay marxuumka, oo ka waramay sida ay wax u dhaceen.

- Advertisement -

Read more

Local News