Mareykanka oo war cusub kasoo saaray weerarka Al-Shabaab ay ku hayso Itoobiya

New York (Caasimada Online) – Taliyaha xilka ka sii tegaya ee taliska AFRICOM, Jeneral Stephen Townsend oo warbixin siinayey waaxda difaaca dalka Maraykanka ayaa ka hadlay weeraradii ugu dambeeyey ee Al-Shabaab, gaar ahaan duulaankii ay ku qaaday Itoobiya.

Jeneral Stephen Townsend ayaa shaaca ka qaaday in aan la dhayalsan karin kooxdaan, wuxuuna ka digay halis ka dhan ah dowlad deegaanka oo ay haatan wado Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday suurto galnimada in Al-Shabaab ay u badan tahay inay qorsheynayaan weeraro kale oo ay bilaha soo socda ka geystaan dalka Itoobiya.

“Waxay u muuqataa in Itoobiyaanku ay si weyn u xakameeyeen oo ay jabiyeen duullaankan,” ayuu warbixintiisa ku yiri Jeneral Stephen Townsend.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in 500 oo xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ay illaa 150 kiiloomitir gudaha u galeen Itoobiya, ka hor inta aan la joojin, waxayna dagaallo culus xuduuda kula galeen ciidamada Liyuu Boolis iyo oo garab ka helaya kuwa dowlada Itoobiya.

Townsend oo hadalkiis sii wata ayaa soo jeediyey in muhiim ay tahay in laga feejignaado duulaannada cusub oo ay qorsheyneyso kooxda Al-Shabaab, ka hortegna la sameeyo.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayo xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, halkaas oo todobaadyadii ugu dambeeyey ay ku dagaalameen xoogaga Al-Shabaab iyo ciidanka dowlad deegaanka Soomaalida, Itoobiya.