New York (Somalia Today) — Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday xog xanuun badan oo muujineysa in 8,000 oo askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen dagaalka muddada 18-ka sano ah ka socda Soomaaliya.
Tiradan naxdinta leh ayuu Mareykanku u cuskaday dalabkiisa adag ee ah in la dejiyo istiraatiijiyad “macquul ah” oo ciidamada shisheeye ay dalka kaga baxayaan.
Kulan xasaasi ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku cusbooneysiinayay waqtiga Howlgalka Taageerada iyo Xasilloonida ee Midowga Afrika (AUSSOM), ayuu Wakiilka Mareykanka u qaabilsan Maamulka iyo Dib-u-habeynta Qaramada Midoobay, Jeffrey Bartos, jebiyay dhaqankii diblomaasiyadeed ee taxadarka lahaa, isagoo miiska soo saaray tirada rasmiga ah ee khasaaraha soo gaaray dalalka ciidamada ku deeqa.
“Waxaan qireynaa, maanka ku haynaa, in 8,000 oo askari oo Afrikaan ah ay naftooda ku waayeen ama ku dhaawacmeen gudashada waajibkooda 18-kii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yiri Bartos.
Bartos ayaa hoosta ka xariiqay in inkastoo naf iyo maal (balaayiin dollar) la huray, haddana ku wareejinta mas’uuliyadda amniga ciidamada Soomaaliya ay weli u muuqato mid “aan la gaari karin” oo cakiran.
Inkastoo Washington ay taageertay muddo-kordhinta howlgalka, haddana waxay bixisay calaamad muujineysa in taageeradeedu aysan ahayn mid waligeed sii soconeysa.
Bartos wuxuu si cad u dalbaday in howlgalka loo sameeyo khariidad lagu kalsoonaan karo oo lagu “soo afjarayo”, taas oo ah farriintii ugu caddeyd ee Mareykanku ku muujiyo inuu doonayo in la soo xiro howlgalkan tobannaanka sano qaatay.
Danjiraha ayaa xusay in Mareykanku bixiyay ku dhawaad $1.6 bilyan oo taageero toos ah oo la siiyay dalalka ciidamada soo diray, iyo $2 bilyan oo kale oo qaaraan ah oo la mariyay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay (UNSOS).
Wuxuuna ku dooday in mustaqbalka la joogteeyo “ka faa’iideysiga kheyraadka” iyo in la dejiyo halbeegyo waxqabad oo cad.
Mareykanka ayaa sidoo kale dhaliil kulul u jeediyay kala-qeybsanaanta siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya, isagoo ugu baaqay Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, iyo beelaha inay “midoobaan” si wax looga qabto caqabadaha amniga.
“Mas’uuliyadda la dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish waa inay u wareegto kuwa ay arrintu sida tooska ah u khuseyso (Soomaalida),” ayuu yiri Bartos, taas oo ah farriin toos ah oo ku socota madaxda Soomaalida si ay u xalliyaan khilaafaadka ragaadiyay horumarka milatariga.
Ugu dambeyntii, Mareykanka ayaa muujiyay niyad-jab ku aaddan in xubnaha qaar ee Golaha ay geeddi-socodka cusbooneysiinta u adeegsadeen in lagu soo daro “luuqad wax-ka-jeedin ah iyo mid kala-qeybin abuuraysa, oo ay ku jirto arrinta jinsiga,” isagoo ku adkeystay in diiradda la saaro natiijooyinka amniga oo kaliya.

