25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Mareykanka oo ku biiray dagaalka Aadan Yabaal, kadibna tallaabo qaaday

Bookmark
Bookmarked

Share

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa si deg-deg ah usoo farogelisay xaaladda haatan kasoo cusboonaatay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay shalay la wareegeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Mareykanka oo kusoo biiray howlgallada haatan socda ayaa xalay duqeyn culus ka fuliyay gudaha degmada Aadan Yabaal, taas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Qoraal ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in iyada oo kaashaneyso Taliska AFRICOM ay howlgal culus ka fuliyeen gudaha degmadaasi, kaas lagu beegsaday goob ay gabaad ka dhiganayeen xubnihii Al-Shabaab ee soo galay halkaasi.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka waxaa weerarkan cirka ah lagu dilay illaa 12 xubnood oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan kooxda Khawaarijta ah.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in aanu jirin wax khasaare ah oo rayidka kasoo gaaray weerarka cirka ah ee xalay ka dhacay halkaasi.

“Waxaa xusid mudan in uusan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka” ayaa lagu yiri qayb kamid ah warka qoraalka ah ee kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Ujeedka ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkan uu qayb ka ahaa dadaallada dowladda ee ku aadan la dagaallanka argagixisada, si loolaba jibaaro howlgallada haatan socda.

“Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaalada ay dowladda Federaalka Soomaaliya kula kaashaneyso howlgalada caalamiga ah sida Mareykanka, si loo laba jibaaro ololaha milatari ee ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ku dooneysa in ay burburiyaan deegaanada ay xorreeyaan” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo AFRICOM oo sii wada qiimeynta natiijada duqeymaha. Faahfaahin dheeraad ah ayaa la wadaagi doonaa inta ay xogo dheeraad ah helayaan”.

Xaaladda degmada Aadan Yabaal ayaa weli ah mid cakiran, waxaana gacanta ku haya maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo saddex sano kadib shalay dagaal kula wareegtay magaaladaasi, kadib markii ay ku ekeysay weerar xoogan oo ku bilowday qaraxyo culus.

- Advertisement -

Read more

Local News