25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Mareykanka oo mar kale ka hadlay doorashooyinka Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay halka ay mareyso Doorashada Somalia iyo qorshooyinka lagu meelmarin doono hanaanka ay ku dhici laheyd kuwa aan wali qabsoomin ee la filaayo in dhawaan la qabto.

Dowladu waxa ay soo dhaweysay dhaarinta iyo qaabka uu ku bilowday kal fadhiyada Baarlamaanka, waxa ayna Dowladu sheegtay in jawiga ay ku socto Doorashadu ay tahay mid farxad galineysa.

John Kirby oo ah Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha Bulshada ee Dowladda Mareykanka ayaa warbixintaasi ku sheegay mid ay Dowlada Mareykanku kusoo dhaweyneyso Doorashooyinka iyo Kalfadhiyada Baarlamaanka ee qabsoomay.

John Kirby, waxa uu sheegay in wax lagu farxo in ay tahay in la mudeeyo waqtiga ay dhaceyso Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa, isagoo sidoo kale ku baaqay in la soo da dejiyo Doorashada Madaxweynaha.

Dowladu waxa ay walaac gaara ka muujisay Musuq-maasuqa lagu hayo Doorashooyinka dalka, waxa ayna Musuqaasi ku sheegtay mid xasilooni dari u horseedi kara dalka Somalia.

Mareykanku waxa uu Madaxda Qaranka ugu baaqay in ay ilaaliyaan dhaqanka hufan ee lagama maarmaanka ah, si loo dhameystiro kuraasta ka harsan Baarlamaanka.

Madaxda Qaranka ayay ku eedeeyen in talaabo waliba oo ku saleysan musuqa ay si ogaal ah u fuliyaan, waxa ayna ugu baaqeen inay ka fogaadan wax waliba oo ku xeeran Musuqa.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Mareykanka ayaa ballanqaaday inay laba jibaareyso taageerada ay u heyso Dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News