Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaad 200 oo askari u diraysa Israel si ay uga caawiyaan taageeridda iyo kormeeridda heshiiska xabad-joojinta ee Gaza, sida ay sheegeen ilo-wareedyo xog-ogaal ah.
Ciidamadan ayaa qeyb ka ah koox ay ku mideysan yihiin dalal saaxiibo ah, hay’ado aan dowli ahayn, iyo shirkado gaar loo leeyahay, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah maalintii Khamiista.
Saraakiishan, oo codsaday inaan magacyadooda la sheegin maadaama aysan u fasaxnayn inay faahfaahintan bixiyaan, ayaa sheegay in Taliska Dhexe ee Ciidanka Mareykanka (U.S. Central Command) uu xarun isku-dubbarid oo isugu jirta rayid iyo militari ka furan doono Israel.
Xaruntan ayaa fududeyn doonta qulqulka gargaarka bini’aadannimo iyo sidoo kale taageerada saadka iyo amniga ee loo dirayo dhulka ay aafeeyeen labo sano oo dagaal ah.
Hadalladan ayaa bixinaya qaar ka mid ah faahfaahintii ugu horreysay ee ku saabsan sida loo kormeeri doono heshiiska xabad-joojinta iyo in militariga Mareykanku uu door ku yeelan doono dadaalkaas.
Kadib markii ay Israel iyo Xamaas ku heshiiyeen wejiga koowaad ee qorshe uu maamulka Trump soo diyaariyay oo lagu joojinayo dagaalka, waxaa weli taagan su’aalo badan oo ku aaddan tallaabooyinka xiga, oo ay ka mid yihiin hub-ka-dhigista Xamaas, ka bixitaanka ciidanka Israel ee Gaza, iyo mustaqbalka dowlad ka dhalata dhulkaas.
Mid ka mid ah saraakiisha ayaa sheegay in kooxdan cusub ay gacan ka geysan doonto kormeerka dhaqangelinta heshiiska xabad-joojinta iyo u-gudubka dowlad rayid ah oo laga dhiso Gaza.
Xaruntan isku-dubbaridka waxaa ka howl-geli doona ku dhawaad 200 oo askari oo Mareykan ah, kuwaasoo khibrad u leh gaadiidka, qorsheynta, amniga, saadka iyo injineeriyadda, sida uu sheegay sarkaalku, isagoo xusay inaan wax ciidan Mareykan ah la geyn doonin gudaha Gaza.
Sarkaal kale ayaa sheegay in ciidamadan ay ka imaan doonaan Taliska Dhexe ee Ciidanka Mareykanka (U.S. Central Command) iyo sidoo kale qeybaha kale ee caalamka. Sarkaalkaas wuxuu intaa ku daray in ciidamadu ay horey u bilaabeen inay yimaadaan, ayna sii wadi doonaan safarkooda gobolka dhammaadka asbuuca si ay u bilaabaan qorsheynta iyo dadaallada lagu dhisayo xarunta.
Heshiis wax-ku-ool ah oo lagu hakiniyo dagaalka Gaza ayaa la gaaray Arbacadii kadib markii Mareykanka iyo dhex-dhexaadiyeyaal ka socda gobolka ay cadaadis ku saareen Israel iyo Xamaas inay soo afjaraan dagaalka baabi’iyay Marinka Gaza, kuna dhinteen tobanaan kun oo Falastiiniyiin ah, huriyayna colaado kale, isla markaana go’doomiyay Israel.
Cadaadiskaas ayaa suurageliyay heshiis ku saabsan wejiga koowaad kaasoo lagu sii deyn doono la-haystayaasha Israel ee weli nool maalmo gudahood, iyadoo lagu beddelanayo boqollaal Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israel.