27.4 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Mareykanka oo shaaciyey inuusan faro-gelin doonin muranka doorashada Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa sheegay inuusan Soomaalida u yeerin doonin sida ay u dooranayaan hoggaankooda, isla markaana uusan hoggaamineyn dhexdhexaadinta khilaafka siyaasadeed ee haatan u dhaxeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka.

Sii-hayaha xilka safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Justin Davis, ayaa sheegay in Washington ay wada hadallo la yeelatay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, balse wuxuu beeniyay in Mareykanku uu hagayo ama hoggaaminayo hannaanka.

“Waxaan muddo la hadleynay labada dhinac si aan si fiican ugu fahamno xaaladda,” ayuu Davis ku yiri wareysi gaar ah oo uu siiyay warbaahinta Dawan Africa.

“Waxaan soo dhoweyn lahayn fursad aan ku kormeerno wada-hadallo dhex-mara Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka siyaasadeed, balse Mareykanku ma martigelinayo mana hoggaaminayo dhex-dhexaadin,” ayuu yiri.

“Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu ku jiraa gacanta shacabka Soomaaliyeed iyo hoggaamiyeyaashooda,” ayuu intaas ku daray. “Jilayaasha caalamiga ah ma xallin doonaan arrintan.”

Hadalka Davis ayaa kusoo aadaya xilli dood xooggan ay ka taagan tahay doorka beesha caalamka, gaar ahaan Mareykanka, ee muranka doorashada Soomaaliya, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo falanqeeyayaasha ay filayeen in Washington ay cadaadis xooggan saarto dhinacyada, sidii dhacday xilligii khilaafkii doorasho ee 2021-2022.

Xilligaas, Mareykanka ayaa qaaday mowqif adag, isagoo digniino u diray hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed, kadibna xayiraado dhanka fiisaha ah saaray mas’uuliyiin lagu eedeeyay inay wiiqeen hannaanka dimoqraadiyadda.

Balse Davis ayaa sheegay in mowqifka hadda ee Mareykanka uu ku dhisan yahay faragelin la’aan, isagoo carrabka ku adkeeyay in Soomaalida ay iyagu go’aansanayaan hannaanka iyo waqtiga doorashooyinka.

“Mowqifkeennu isma beddelin: Shacabka Soomaaliyeed waa inay iyagu doortaan hoggaankooda, hannaanka gaarka ah iyo jadwalka doorashooyinkuna iyaga ayay u yaallaan,” ayuu yiri.

“Uma sheegeyno Soomaalida sida ay u dooranayaan hoggaamiyeyaashooda,” ayuu intaas ku daray, isagoo tilmaamay in Washington ay dooneyso xiriir ku dhisan dan-wadaag oo ay la yeelato dalalka Afrika.

Davis ayaa si kastaba ka digay in faragelin la’aanta Mareykanka aysan ka dhigneyn in Washington aysan dan ka lahayn xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan haddii khilaafka siyaasadeed uu isu beddelo rabshado.

“Qofna ma doonayo in khilaaf siyaasadeed uu isu beddelo rabshado,” ayuu yiri. “Taasi waxay u xumaan lahayd Soomaaliya, waxayna dhaawici lahayd joogitaanka Mareykanka iyo danaha Mareykanka ee dalka.”

“Waxaa jiri kara saameyn taban oo ku dhacda dhammaan dhinacyada haddii xaaladdu sii xumaato,” ayuu raaciyay.

Davis ayaa sidoo kale sheegay in mucaarad nabadeed uu astaan caafimaad u yahay bulsho kasta oo siyaasadeedu furan tahay.

“In mucaarad nabadeed uu jiro waa astaan caafimaad u ah bulsho kasta,” ayuu yiri. “Waxay ka dhigan tahay in ay jirto fursad ballaaran oo codadka oo dhan ay ku hadli karaan. Rabshadaha ka dhanka ah dibadbaxayaal nabadeedna marna lama aqbali karo.”

Wuxuu sheegay in Mareykanku ku boorriyay dowladda iyo mucaaradka inay wada-hadal iyo tanaasul ku xalliyaan khilaafaadka jira.

“Ma jirto cid laga filayo inay wada-hadalka kasoo baxdo iyadoo heshay wax kasta oo ay dooneysay,” ayuu yiri. “Tanaasulku wuxuu u baahan yahay xiriir iyo wada-hadal.”

Davis ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay jawi siyaasadeed oo deggan si ay xoogga u saarto arrimaha muhiimka ah, oo ay ku jiraan amniga, la-dagaallanka argagixisada, la-dagaallanka musuqmaasuqa, kobcinta dhaqaalaha iyo soo jiidashada maalgashiga shisheeye.

- Advertisement -

Read more

Local News