Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay dishay inkabadan 50,000 Saraakiil iyo Dagaalyahaano ka tirsan Argagixisada kuwooda qalqal galiyay caalamka kala duwan.
Weerarada lagu dilay tirada intaasi dhan ayaa waxaa la sheegay inay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Millatariga Maraykanka.
Millatariga Maraykanka, ayaa sheegay in tirada ugu badan ee weerarkaasi lagu dilay ay ahaayen Saraakiil xilal kala duwan ka heysa Kooxaha Daacish iyo Al-Qacida.
Saraakiisha Millatariga Maraykanka, ayaa sheegay in dilalkaasi ay fuliyeen dhowrkii sano ee ugu danbeysay oo ay wadeen duqeymaha.
Dowlada Mareykanka ayaa aaminsan in Duqeyn waliba oo ay fuliso ku disho Saraakiil ka tirsan Maleeshiyaadka Daacish iyo Al-Qacida.
Ma jirto cadeyn muujinkarta in Millatariga Maraykanka ay dileen Saraakiil iyo Dagaalyahaano ka tirsan Daacish iyo Al-Qacida.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]