24.8 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Mareykanka oo Soomaaliya ka jaray dhaqaalihii…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa hakisay mashruuc muhiim ah oo ay ku taageeri jirtay Xarunta Warbixinta Maaliyadda Soomaaliya.

Go’aankan ayaa dhaqan-galay laba maalin ka hor oo ku beegnayd 30-kii Janaayo 2026, sida ku cad warqad rasmi ah oo ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Warqadda ayaa lagu faray in si degdeg ah loo joojiyo dhammaan kharashaadkii ku socday mashruuca, isla markaana la laalo ballanqaadyadii dhaqaale ee aan weli hirgelin.

Xarunta Warbixinta Maaliyadda Soomaaliya (Financial Reporting Center – FRC) ayaa ah hay’adda qaran oo Soomaaliya u qaabilsan la-dagaallanka lacag-dhaqidda iyo ka-hortagga maalgelinta argagixisada.

Hakinta taageeradan ayaa loo arkaa mid wiiqeysa dadaalladii lagu xoojinayay isla-xisaabtanka iyo hufnaanta nidaamka maaliyadeed ee dalka, gaar ahaan iyadoo Mareykanku horay u yareeyay barnaamijyo kale oo uu ka fulin jiray Soomaaliya.

Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin tallaabadan iyo saameynta ay ku yeelan karto shaqada xarunta FRC iyo xiriirka iskaashi ee labada dowladood.

Mareykanka ayaa dhawaan hakiyay kaalmada gargaarka raashinka ee Soomaaliya kadib markii la sheegay in la jabsaday bakhaar ku yaalla dekedda Muqdisho oo ay ku jireen raashin gargaar ah oo Maraykanku maalgeliyay.

Inkastoo Mareykanka uu Arbacaddii shaaciyay in si degdeg ah dib loogu billaabayo kaalmada gargaarka raashinka ee Soomaaliya, haddana Maamulka Trump weli wuxuu sii wadaa tallaabooyin adag oo lagu kormeerayo gargaarka shisheeye.

Maamulka ayaa ka digay in maalgelinta mustaqbalka ay weli tahay mid si dhow isha loogu hayo.

Is-mari-waagan diblomaasiyadeed ayaa billowday horraantii bishan markii kooxaha dhismuhu, oo banneynayay dhul loogu talagalay mashruuc casriyeyn ah oo ay waddo shirkadda Turkiga ah ee Albayrak Group, ay dumiyeen bakhaar ay lahayd WFP. Xaruntaas ayaa waxaa ku jiray qiyaastii 76 tan oo raashin muhiim ah oo loogu talagalay dadka nugul.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Isniintii ayaa lagu muujiyay “qoomamo” ku aaddan “xaaladaas nasiib-darrada ah,” iyadoo la xaqiijiyay in dhammaan agabkii la qabtay dib loogu celiyay hay’adda Qaramada Midoobay.

“Dowladda Federaalka waxay qaadanaysaa mas’uuliyadda buuxda ee xallinta xaaladdan,” ayay tiri Wasaaraddu, iyadoo intaas ku dartay inay WFP siisay “bakhaar ka weyn kana habboon kii hore” oo ku dhex yaalla dekedda si loo hubiyo in hawluhu aysan istaagin.

- Advertisement -

Read more

Local News