Washington (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in Dowladda Mareykanka ay si buuxda u taageertay dadaallada ay ku doonayso in ay ku hesho marin badeed, iyadoo doorbidaysa in arrintan loo maro waddooyin nabadeed iyo diblomaasiyadeed.
Sida ay baahisay wakaaladda wararka Itoobiya (ENA) Safiirka Mareykanka ee Itoobiya, Ervin Massinga ayaa muujiyay sida ay Dowladda Mareykanka u fahamsan tahay muhiimadda uu marin badeed u leeyahay Itoobiya.
Wuxuu sheegay in Mareykanku uu si dhab ah u garab taagan yahay hammiga Itoobiya, isagoo arrintaas ku tilmaamay mid muhiim u ah horumarka dhaqaale ee dalka iyo xasiloonida guud ee gobolka.
Danjire Massinga ayaa hoosta ka xarriiqay in waddan weyn oo sida Itoobiya ah, oo leh koboc dhaqaale oo xawli ah iyo dad aad u badan, aysan suurtagal ahayn inuu horumar gaaro la’aanta marin badeed. Wuxuu tilmaamay in helidda deked rasmi ah ay tahay lama huraan, maadaama ay si toos ah ugu xiran tahay awoodda dalkaasi u leeyahay inuu ganacsi la yeesho dunida inteeda kale.
Safiirku waxa uu sidoo kale muujiyay sida Mareykanka uga go’an tahay inuu Itoobiya ku taageero waddooyin kala duwan oo ay ku gaari karto yoolkeeda. Taageeradaasi waxay ka mid yihiin iskaashi ganacsi, mid diblomaasiyadeed iyo mid nabadeed — taasoo muujinaysa xiriirka dhow ee labada dal iyo sida ay u wadaagaan danaha ku aaddan nabadda iyo horumarka gobolka.
Itoobiya ayaa muddooyinkii dambe si xooggan ugu hawlanayd sidii ay u heli lahayd marin badeed rasmi ah, iyadoo arrintaas saldhig uga dhigtay heshiiskii ay sannadkii 2024 la gashay Somaliland. Heshiiskaas oo muran dhaliyay ayaa sababay xiisado diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, taasoo sare u qaaday dooda ku saabsan suurtagalnimada heshiis deked la wadaago.
Hadalka Massinga ayaa imanaya xilli Itoobiya ay si firfircoon u xoojinayso xiriirrada ay la leedahay dalal ku yaalla badda Cas sida Jabuuti, Kenya iyo Imaaraadka Carabta. Tani waxay muujinaysaa sida Itoobiya ay u dardar gelinayso siyaasaddeeda dibadda si ay u xaqiijiso yoolkeeda helida marin badeed.