Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ka socda dowladda Mareykanka, isla markaana uu hoggaaminayo taliyaha hawlgalka Mareykanka ee AFRICOM ayaa maanta gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee Puntland, halkaas oo lagu soo dhaweeyay.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo haatan booqasho hawleed ku jooga Boosaaso ayaa maanta qaabilay wafdigan oo ay qeyb ka yihiin ku-xigeenka safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Justin Davis , diblumaasiyiin iyo saraakiil kale.
Waxaa sidoo kale kulanka ka qeybgalay taliyaha guud ee ciidanka difaaca Puntland Gen. Aaden Cabdi Xaashi, wasiiru dowlaha madaxtooyada Mudane Cabdifataax Cabdinuur, agaasimaha ahna taliyaha ciidanka PMPF Gen. Cabdirabi Cabdisamed, La-taliyeyaasha madaxwehnaha ee arrimaha siyaasadda iyo amniga, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Mudane Maxamed Warsame Seefta Banaanka.
Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga la dagaallanka argagixisada ee gobolka, gaar ahaan dhammaystirka hawlgalka Argagixisada Daacish, si looga sifeynayo buuraha Calmiskaad.
Sidoo kale waxaa laga wada-hadlay wada-shaqeynta labada dhinac iyo sidii loo adkeyn iskaashiga, si loo dardargeliyo dagaalka ka socda Puntland-Soomaaliya.
Taliyaha hawlgalka Mareykanka ee AFRICOM oo kulanka hadlay ayaa ku boggaadiyay Puntland ka go’naanshaha iyo adkeysiga dagaalka la doonayo in lagu ciribtiro argagixisada.
Dhankeeda Puntland ayaa si weyn uga mahadcelisay dowladda Maraykanka iyo taliska AFRICOM taageerada joogtada ah iyo doorkooda hawlgalka, maadaama ay qayb ka yihiin dagaalka.
Mareykanka ayaa todobaadyadii u dambeeyay xoogga saaray arrimaha Puntland, gaar ahaan howlgallada ka socdda Calmiskaad, isaga oo duqeymo culus ka fuliyay halkaasi.


