Washington (Caasimada Online) – Maamulka Trump ayaa ka fakaraya inuu albaabada u laabo illaa 36 xarumood oo diblomaasiyadeed oo Mareykanku ku leeyahay caalamka oo dhan, taasoo qayb ka ah qorshe ballaaran oo lagu dhimayo ku dhawaad kala-bar miisaaniyadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Hay’adda USAID, sida ay sheegeen saraakiil arrintan xog-ogaal u ah.
Yaraynta weyn ee joogitaanka diblomaasiyadeed ee Mareykanka ayaa lala kaashanayaa soo-jeedin lagu dhimayo miisaaniyadda guud ee labada hay’adood oo la gaarsiinayo $28.4 bilyan sanadka maaliyadeed ee 2026, taas oo si weyn uga yar $54.4 bilyan ee ansixinta loo sameeyay sanadka maaliyadeed ee 2025.
Xarumaha suuragalka ah in la xiro waxaa ka mid ah safaaradaha Mareykanka ee Koonfurta Afrika iyo gobolka Sahel, qunsuliyado ku yaalla Yurub, iyo safaarado dhowr ah oo ku yaal Oceania. Arrintan ayaa si toos ah uga dhalatay siyaasadda maamulka Trump ee ah in la dhimo kharashyada dowladda isla markaana dib loo qaabeeyo siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka.
Qorshaha miisaaniyadda ee sanadka 2026, oo lagu faahfaahiyay dokumenti ay heshay POLITICO, ayaa muujinaya in ku dhawaad 50% la dhimayo miisaaniyadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo USAID. Arrintan ayaa ka mid ah dhimista uu dalbaday Xafiiska Maamulka iyo Miisaaniyadda Aqalka Cad (OMB), iyadoo sidoo kale la qorsheynayo in gebi ahaanba la burburiyo USAID, barnaamijyadeedana lagu daro Wasaaradda Arrimaha Dibedda.
Marka laga soo tago xiritaanka suuragalka ah ee xarumaha diblomaasiyadeed, qorshahan ayaa sidoo kale qeexaya in gebi ahaan ama qayb weyn la baabi’iyo barnaamijyo badan oo muhiim u ahaa siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka. Barnaamijyadan waxaa kamid ah kuwa dhiirrigeliya dimuqraadiyadda, taageera is-weydaarsiga waxbarashada iyo dhaqanka, taageera hay’adaha caalamiga ah, dagaalka ka dhanka ah daroogada, iyo xal u helidda arrimaha caafimaadka ee caalamiga ah.
Barnaamijyada sida gaarka ah loo bartilmaameedsaday waxaa kamid ah Sanduuqa Qaranka ee Dimoqraadiyadda (National Endowment for Democracy), Xarunta Bariga-Galbeedka (East-West Center), iyo Hay’adda Aasiya (Asia Foundation), kuwaas oo dhammaantood gebi ahaanba la joojin doono dhaqaalaha loo qoondeeyo. Sidoo kale, barnaamijka Caalamiga ah ee La-dagaallanka Maandooriyaha iyo Dhaqan-gelinta Sharciga (International Narcotics Control & Law Enforcement), oo horey loo siin jiray lacag ka badan $1 bilyan ayaa gebi ahaanba la joojin doonaa.
Dokumentiga ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday barnaamij cusub oo loogu magac daray Sanduuqa Fursadaha Mareykanka Koowaad (America First Opportunities Fund), kaas oo loo qoondeeyay $2.1 bilyan, inkastoo aan dokumentigu faahfaahin ujeedkiisa.
Waxaa jira suurtagalnimo ah in Xoghayaha Arrimaha Dibedda Marco Rubio uu diido qaar ka mid ah dhimista la soo jeediyay, inkasta oo cadaadis xooggan kaga iman doono OMB.
Afhayeenada Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa ka gaabsaday inay jawaab degdeg ah ka bixiyaan arrintan markii lala xiriiray. Si kastaba ha ahaatee, Rachel Cauley oo ah afhayeenka OMB ayaa sheegtay in “aan wali la gaarin go’aammo kama dambeys ah oo ku saabsan maalgelinta.”
Wargeyska Washington Post ayaa horey uga warramay dokumenti sir ah oo qeexaya qaar ka mid ah dhimista la qorsheynayo.
Xitaa haddii soo-jeedimahan lagu daro qorshaha rasmi ah ee miisaaniyadda Madaxweyne Donald Trump ee sanadka maaliyadeed ee 2026, Kongareeska ayaa inta badan iska diida codsiyada Aqalka Cad, isagoo samaysta qorshayaashiisa gaarka ah ee kharash bixinta. Si kastaba ha ahaatee, qorshahan wuxuu muujinayaa sida maamulka Trump uu u doonayo inuu yareeyo xajmiga iyo kharashka dowladda. Horay ayaa loo arkay tallaabooyin lamid ah oo ay ka mid ahaayeen dhimis weyn oo lagu sameeyay kaalmada dibadda iyo burburinta wax-ku-oolka ah ee USAID, taasoo ay ka soo horjeesteen xubnaha Dimoqraadiga ee Kongareeska.
Dokumentiga ayaa sidoo kale muujinaya in maamulka Trump uu Kongareeska ka codsan doono inuu aqbalo ku dhawaad $20 bilyan oo lacag ah oo horey loo qoondeeyay balse aan la isticmaalin, taasoo dib loogu celinayo khasnadda dowladda. Dokumentigan ayaa ka duwan qorshaha kale oo OMB dhowaan soo bandhigi doono kaasoo ku saabsan dib u habaynta Wasaaradda Arrimaha Dibedda.
Waxaa sidoo kale qorshaha ku jira in in ka badan 50% laga dhimo kharashaadka barnaamijyada caafimaadka caalamiga ah, iyadoo guud ahaan la gaarsiinayo wax ka yar $5 bilyan. “Kaalmada horumarinta” ayaa gebi ahaanba la joojin doonaa, iyadoo horay u ahayd ku dhawaad $4 bilyan. Miisaaniyadda loogu talagalay socdaalka iyo qaxootiga ayaa kala-bar laga dhimayaa, waxaana la gaarsiin doonaa $1.5 bilyan oo keliya, taas oo loo isticmaali doono xaaladaha degdegga ah oo kaliya.
Waxa sidoo kale si weyn loo dhimayaa lacagta lagu bixiyo hay’adaha caalamiga ah, oo ay ku jiraan kuwa QM, iyadoo laga soo dhimi doono $1.5 bilyan, laguna koobi doono illaa $169 milyan oo keliya. Lacagaha loogu talagalay hawlgallada nabad ilaalinta caalamiga ah ayaa laga soo dhimi doonaa $1.2 bilyan ilaa eber.