Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxa jira warar sheegaya in Masar ay qorshaynayso in ay dekad ka dhisato dalka Jabuuti.
Labada dal ee Jabuuti iyo Masar ayaa sannadkii la soo dhaafay kala saxeexday heshiis ifhan oo u oggolaanaya Masaarida hirgelinta hawshaasi.
Tallaabadanay Masar qaadday ayaa timid xilli Itoobiya ay dadaal xooggan ugu jirto sidii ay u heli lahayd marin badeed joogto ah.
Itoobiya ayaa inta badan ku tiirsan dekadaha dalka Jabuuti oo ay kala soo degto badeecadaheeda islamarkaana ka dhoofiso alaabaha.
Khurabaro ayaa BBC-da u sheegay in aanay weli caddayn sida ay Itoobiya u aragto tallaabdan ay Maasirdu qaadeen ee ah in ay dekad cusub ka dhisanayaan dalka Jabuuti, laakiin waxa ay timaamayaan in dhinca kale ay noqon karto tallaabo walaac amni ka dhalisa gobolka.
Sida uu sheegay wargeys ka oo baxa Itoobiya oo la yidhaahdo Capital, waxaa la filayaa in dhawaan la saxiixo heshiiska Masar ay ku dhisi doonto deked cusub oo ku taalla Jabuuti.
Sababo la xidhiidha xiisadda biyo-xidheenka ee Masar kala dhaxaysa dalka Itoobiya, waxa la sheegayaa in Qaahira ay xoojisay cilaaqaadkii ay la lahayd Eriteriya.
Muxuu yahay qorshaha Masar?
Waxay u muuqataa in Masar ay damacsan tahay in ay maalgashi weyn ku samayso Jabuuti, oo deris la ah Itoobiya.
Toddobaadyada soo socda, waxaa la filayaa in wufuud uu hoggaaminayo Raysalwsaare ku xigeenka Masar, Kamal al-Wazir uu booqasho ku tago dalka Jabuuti, halkaas oo la filayo in heshiiska lagu dhammaystiro.
Kahor booqashadooda, Agaasimaha Dekedaha Jabuuti, Abubakar Omaar Haadi, ayaa soo dhaweeyey xubno ka socday Masri ku socotay isla markaana la yeeshay wadahadallo.
Masar waxay qorsheyneysaa in ay dhisto xarun 20MW oo ku shaqeynaysa tamarta qorraxda ee dekedda SGTD, halkii laga isticmaali lahaa koronto ka timaadda shabakadda.
Maxaa Itoobiya u qorsheysan?
Saameynta tallaabada Masar ay ku leedahay dekedda ay Itoobiya isticmaasho weli si cad looma oga.
Itoobiyana si furan arrintan uma hadlin.
Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaashu waxay u arkaan dhaqdhaqaaqan Masar mid walaac gelin kara gobolka Geeska Afrika.
Dr. Nagaraa Guddataa oo falanqeeya arrimaha gobolka ayaa u arka ujeeddada Masar si kale: “Masar waxay leedahay dekedo badan, dekedda ugu dhow halkan, haddii la dhiso, waxay saameyn weyn ku yeelan kartaa Itoobiya sababtoo ah khilaafaadka iyo loollanka kla dhexeeya Itoobiya ee ku saabsan Webiga Niilka,” ayuu yidhi, isagoo tilmaamay in tani tahay aragti si weyn loo arko.
Itoobiya iyo Masar ma ahan dalal deris ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaa u dhexeeyey xiisado iyo “cadownimo” muddo sannado ah soo jiitamayay.
Tani waxay ka horreysay dhismaha Itoobiya ee biyo-xidheenka webiga Niilka.
Khubaro ay hore BBC-du u waraystay waxay tilmaameen in labada dal aanay weligood cadow ahayn balse mararka qaar ay sidoo kale lahaayeen “cilaaqaad ” xooggan.
Mas’uuliyiinta Itoobiya ayaa muddo dheer marar kala duwan sheegaysay in Masar ay taageerto kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda dawladda, islamarkaana ay hub siiso.
Isha: BBC

