27 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Maslaxadda PUNTLAND iyo heshiiskii Garoowe!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Xassan Geelle, oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa si adag uga hadlay Heshiiskii dhawaan magaalada Garoowe ku dhexmaray Dowlada Federaalka ah ee Somalia iyo Maamulka Puntland.

Xildhibaanka ayaa sheegay in maamulka Puntland ay si cad u faquuqeyso dadka kasoo jeeda Koonfurta Somalia, waxa uuna Tilmaamay in Heshiiskii ka dhacay magaalada Garoowe uu ahaa gaari dhinac u raran.

Xildhibaanka ayaa hadalkaani sheegay mar uu wareysi gaar ah siinaayay mid kamid ah Idaacadaha ka howlgala magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia, waxa uuna waxkama jiraan ku tilmaamay mirro dhalka heshiiskii ay DFS la gashay Puntland.

Waxa uu sheegay in DFS ay heshiiskaasi ku bixisay meel aan mudneyn, waxa uuna farta ku goday in Puntland ay iminka soo saareyso awaamir qaldan oo lidi ku ah dadka kasoo jeeda Koonfurta Somalia, islamarkaana loo baahnaa in marka hore DFS ay Puntland kala hadasho faquuqa ay ku heyso Shacabka kasoo jeeda Koonfurta Somalia ee ku nool deegaanadeeda.

”Puntland keliya waxaa u muuqata rabitaankeeda, waxa ay daneyneysaa heshiisyada ay ku wiiqeyso awooda Dowlada, ma aragto dhaqamada ay kula kaceyso dadka kasoo jeeda Koonfurta Somalia”

”Waxa ay dooneysaa in si rasmi ah ay u hesho dhammaan heshiisyada ay Dowlada la gasho, hadana ma dooneyso inay la dhaqmaan dadka kasoo jeeda Koonfurta Somalia, waa arrin aad u xun in shacab maskiin ah loola dhaqmo sida dad ajnabi ah”

”Ficilada qaar waxa ay ku tusayaan in Puntland ay dhib waliba oo deegaankeeda ka dhaca ay dusha ka saareyso dadka kasoo jeeda Koonfurta Somalia ee deegaankooda ku dhaqan taasi waa arrin u baahan in laga fiirsado waayo Heshiiska ay la gashay DFS waa mid muujinaaya in meesha laga saaro is faquuqa iminka taagan”

Dhanka kale, Xildhibaan Maxamed Xassan Geelle, ayaa ka digay in Dowlada Somalia ay heshiis la gasho dhinacyo aan u diirnaxeynin umadda Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News