24.3 C
Mogadishu
Wednesday, September 3, 2025

Mas’uul ka tirsan maamulka Puntland oo maanta is-casilay

Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maayirka degmada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland, Maxamed Cabdirisaaq Daacad, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii uu warqad is-casilaad ah si hoose ugu gudbiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Daacad ayaa maalintii shalay shir deg-deg ah la yeeshay xubnaha golaha degaanka magaalada, halkaas oo uu ku soo bandhigay rabitaankiisa ah inuu xilka ka dago. Si kastaba, kulankaasi waxa uu galay jahawareer iyo buuq markii qaar ka mid ah xildhibaanada taageersan maayirka ay ka hor yimaadeen tallaabadiisa.

Is-hor istaaggaas ayaa sabab u noqday in kulankaas lagu kala tago natiijo la’aan, iyadoo aan go’aan rasmi ah laga gaarin is-casilaadda uu soo jeediyay.

Xog lagu kalsoon yahay ayaa muujinaysa in Daacad uusan ka tanaasulin go’aankiisa, balse uu si qarsoodi ah warqaddiisa iscasilaadda ugu wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland. Tallaabadan ayaa meesha ka saartay jahawareerkii ka dhashay kulankii golaha.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa la xaqiijiyay inay aqbashay codsiga is-casilaadda ee uu gudbiyay maayirku. Aqbaliddaas ayaa soo afjartay xiisaddii siyaasadeed ee ka taagnayd gudaha golaha deegaanka Gaalkacyo.

Go’aanka Daacad ayaa yimid xilli uu wajahayay mooshin ka dhan ah oo ay diyaariyeen xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka. Mooshinkaasi ayaa lagu eedeeyay maayirka, waxaana cadaadis badan kusii kordhay saaxadda siyaasadeed ee magaalada.

Si kastaba, is-casilaadda Maxamed Cabdirisaaq Daacad ayaa si rasmi ah u dhaqan gashay, taas oo ka dhigan in Gaalkacyo ay u baahan tahay hoggaan cusub oo buuxiya booskii uu baneeyay maayirkii hore.

- Advertisement -

Read more

Local News