Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay mas’uul ka tirsanaa Maamulka Jubbaland dil qorsheysan loogu gaystay gudaha degmada Garbahaarey, kaas oo ay ka dambeeyeen rag hubeysan oo baxsaday.
Dilka ayaa waxaa loo gaystay Marxuum Cabdi Farey oo ahaa guddoomiyihii xaafadda Towfiiq ee degmada Garbahaarey, kaas oo caan ka ahaa magaalada dhexdeeda.
Cabdi Farey ayaa sidoo kale kamid ahaa odayaasha dhaqanka ee deegaanka, waxaana kooxo hubeysan ay ku dileen gurigiisa oo ay ku weerareen.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta tegay, kuwaas oo illaa iyo hadda wada howlgallo lagu baadi goobayo koooxihii ka dambeeyay toogashada oo goobta ka baxsaday.
Saraakiisha laamaha amniga ayaa sheegay in dilkan ay soo qorsheeyeen Al-Shabaab, balse ay ku raad joogayaan xubnaha fuliyay, ayna si deg-deg ah u horkeeni doonaan cadaaladda.
Garbahaarey ayaa waxaa marar badan sidaan oo kale dilal qorsheysan uga fulisay kooxda, halkaas oo ay sidoo kale ka jirto xiisad culus oo ka dhex taagan ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland, waxayna arrintaas fursad siisay Khawaarijta oo ka dhex faa’iideysatay.
Gedo ayaa kamid ah meelaha ay weli joogaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, waxaana badanaa ay ka fuliyaan weeraro arbushaad ah, qaraxyo iyo dilal qorsheysan.
Waxaa kale oo Gedo intaas usii dheer in ay ka taagan tahay xiisad kale oo siyaasadeed oo u dhexeyso DowladdaiyoJubbaland, taas oo mar kale soo laba kacleysay, kadib markii dhowaan labada dhinac ay ku dagaalameen degmada Beledxaawo ee gobolkaasi.
Xiisaddan ayaa saameyn ku yeelatay reer Gedo, waxaana ay la kulmayaan xaalado bani’aadanimo iyo mid ammaan, maadaama ay halis ku hayso kooxda Al-Shabaab.

