Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug ka socda diyaar garow loogu jiro caleemasaarka Hogaamiyaha maamulka Axmed Ducaalle Geelle.
Waxaa magaalada kusoo qulqulaaya Madax farabadan oo ka kala tirsan DFS, Maamul Goboleedyada iyo Ergooyin lagu casuumay in ay ka qeyb galaan Caleema Saarka Hogaamiyaha Galmudug.
Hogaamiyayaasha la filaayo inay ka qeybqaatan caleemasaarka ayaa waxaa kamid ah Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, HirShabelle iyo Hogaamiyaha Koonfur Galbeed.
Dhanka dowlada ayaa waxaa la filayaa inuu ka qeybgalo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaliya Cabdi Faarax Saciid Juxa, Wasiiro xigeeno, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kale.
Sidoo kale, waxaa aad loo adkeeyay amniga magaalada Cadaado waxaana magaalooyinka lagu daadiyay ciidamo farabadan oo xaqiijinaayo amniga magaalada.
Hogaamiyaha maamulka Axmed Ducaalle Geelle ayaa waxaa la doortay 3-dii Bishan, waxaana looga fadhiyaa in uu ka shaqeeyo midnimada.
Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]