27 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Maxaa Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho oo aadan la socon

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa Caawa magaalada Muqdisho lagu dilay Sargaal ka tirsan Ciidamada Milliteriga kaasi oo xiliga la dilaayay kasoo baxay shaqadiisa.

Dilka Sargaalkaani ayaa ka dhacay Xaafadda Siigaale ee Degmada Hodan, waxaana dilka Sargaalkaasi fuliyay Seddex ruux oo la sheegay inay ku hubeysnaayen bastoolado.

Sargaalkaani la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Siyaad Maxamed Axmed, waxaana la sheegay inuu kamid ahaa Saraakiisha ugu firfircoon.

Ciidamada Nabad Suggida oo ku soo baxay rasaastii lagu dilay Sarkaalkaasi, ayaa iska horimaad uu dhex maray Seddexdaasi nin, iyagoona dhaawacay mid ka mid ah.

Ciidamada Nabad Suggida ayaa iminka gacanta ku haya ninkii dhaawaca ahaa, waxa ayna u qaaden goob caafimaad si halkaasi loogu dabiibo.

Hay’adaha amaanka wali kama aysan hadal dilka Sargaalkaani iyo gacan ku dhigista dhaawaca mid kamid ah maleeshiyadii dilka fulisay.
Dilkaani ayaa qeyb ka ah dilal maalmahaani danbe ka dhacaayay magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News