Kadib heshiiskii Nairobi: Deni, A/Madoobe iyo Madasha oo qaaday tallaabo cusub

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland iyo xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta Soomaaliya ayaa shalay heshiis cusub ku gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya kadib shir xasaasi ah uga socday halkaasi.

Shirka ayaa lagu goโ€™aamiyay in la dhiso Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Soomaaliya iyo maamullada Jubaland iyo Puntland iyo in si dhaqso ah shir kale loogu qabto gudaha dalka Soomaaliya, si looga gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan mustaqbalka dalka.

Sidoo kale waxaa lagu gaaray in shirka socda lagu dhammeystiro dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo in shacabka Soomaaliyeed loogu baaqo midnimo iyo iskaashi, loona istaago ilaalinta qarannimada, xasilloonida iyo wadajirka dalka.

Dhinacyada ayaa waxa kale oo isla gaareen in sida ugu dhaqsah badan shir kale loogu qabto gudaha dalka Soomaaliya, si looga gaaro heshiis siyaasadeed oo ku saabsan mustaqbalka dalka.

Kadib heshiiskan maxaa dhacay?

Isbaheysigan ayaa bilaabay dhaq-dhaqaaqyo lagu xoojinayo dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kaasi oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Soomaaliya iyo maamullada Jubaland iyo Puntland.

Golahan oo durba shaqo bilaabay ayaa waxaa loo sameeyay baraha kala duwan ee bulshada, si loogu soo gudbiyo farriimaha mideysan ee dhinacyadan.

Golahan ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Soomaaliya iyo maamullada Jubaland iyo Puntland ayaa ka soo horjeeda doorashooyinka tooska ah iyo wax-ka-beddelka dastuurka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Inkastoo golahan uusan weli dooran hoggaan balse waxaa lagu wadaa in ay dhawaan shirar ku yeeshaan magaalooyinka Garoowe, Kismaayo iyo Muqdisho.

Samaynta golahan ayaa durba dib-u-dhigtay socdaal uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tegi lahaa Kismaayo, waxaana ay kor u qaaday saameynta Puntland oo muddo gooni ka taagnayd siyaasadda dalka.

Wafdiga hordhaca ah ee madaxtooyada iyo ciidanka ilaaladiisa oo Arbacadii qorshuhu ahaa in ay Kismaayo gaaraan ayaan weli safrin, waxaana dib u dhaca loo sababeeyay in aan la fulin tallaabooyin hordhac u ahaa socdaalka Xasan Sheekh.

Si kastaba, shirkq Nairobi ayaa imid xilli la filayay in wada-hadallo rasmi ah u bilowdaan Dowladda Federaalka iyo hoggaanka maamulka Jubaland, isla markaana lagu waday in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu u safro magaalada Kismaayo.

Tan ayaa mugdi gelinaysa sii amba-qaadista dhex-dhexaadinta Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo dhinac ah, iyadoo sii dheereynaysa in waqti dhow xal laga gaaro khilaafka taagan, xilli ay Villa Somalia dooneysay in galka labada maamul lasoo xiro.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News