Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa weli sii xoogeysanaya fal-celinta ka dhalatay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, kaas oo diidmo adag kala kulmay fagaraareyaasha caalamka, gaar ahaan kulankii Golaha Ammanka ee QM.
Somaliland iyo Israa’iil ayaa weli ku adkeysanaya go’aankooda, waxaase meel adag iska taagtay dowladda Soomaaliya oo gebi ahaan diiday tallaabadooda.
Haddaba maxay tahay sababta aysan Somaliland weligeed u heli doonin ictiraaf wax kasta oo dhaca (Daawo)
Dr Xasan Sheekh Cali Nuur oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo ka faallooda arrimaha gobolka ayaa sheegay in Somaliland aanay weligeed heli doonin ictiraaf, isla markaana waddada ay ku socoto ay tahay mid khaldan, sida uu hadalka u dhigay.
Isaga oo ka fal-celiyay aqoonsiga ay ka heshay Israa’iil ayaa waxa uu sheegay in xittaa haddii Afrika, Asia iyo Mareykan ku raacaan aqoonsiga aysan noqon karin dal madax banaan, sida uu ku caddeeyay wareysi uu siiyay Shabelle Tv.
Sababta waxa uu ku sheegay in hoggaanka Somaliland ay hayso hal beel oo kaliya, isla markaana sidaas aysan ku noqon karin Qaran buuxa.
“War Itoobiya maahanee xitta haddii qaaradda Afrika ay aqoonsato, oo qaaradda Asia aqoonsato oo Mareykan aqoonsado dowlad noqon maayaan” ayuu wareysiga yiri Dr Xasan Sheekh Cali.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Haddii ay beel meeli u baxdo oo calan gooni ah sameysato oo ay tiraahdo waanu ka baxnay Soomaaliya, Qaran-baanu nahay saa Qaran laguma noqdo”.
Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu ka shalaayi doono ‘heshiiska halista ah’ ee uu la galay Israa’iil, kaas oo soo dadajiyay in Ra’iisul wasaare Netanyahu uu 26-kii bishan ku dhawaaqay in Somaliland ay u aqoonsadeen dal madax banaan.
“Cabdiraxmaan Cirro wuxuu dhihi doonaa aniga iyo Netanyahu waxaan walaaqeynay waa la diiday” ayuu mar kale yiri Dr. Xasan Sheekh Cali Nuur.

