Maxaa hortaagan in la magacaabo golaha wasiirada maamulka HirShabeelle?

Jowhar (Caasimada Online) – Xildhibaan Sharmaarke Xasan Ganey oo ka mid ah baarlamaanka HirShabelle ayaa si adag uga hadlay sababta illaa iyo hadda uu madaxweyne Cali Guudlaawe usoo magacaabi la’yahay golaha wasiirada ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Sharmaarke Xasan oo u warramay Shabelle TV ayaa shaaca ka qaaday in ay weli jirto tabashada reer Hiiraan, wuxuuna tilmaamay in ay caqabad ku tahay maamulka iyo sidoo kale dhisida golaha wasiirada, isaga oo sheegay inay weli sii shaqeynayaan wasiiradii xilligii madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, arrintaas oo uu ku tilmaamay dib u dhac aad u weyn.

“Tabashadii weli way taagan tahay oo wax uu madaxweynaha ka xalliyey ma jiraan. Golaha wasiirada sii wada waa golihii hore ee xilligii madaxweynihii ka horreeyey isaga, sababta loogu dhiiran la’yahay in dowlad goboleedka HirShabelle wasiiro yeesho waxaan filayaa inay tahay arrin dib u dhac ah,” ayuu yiri Xildhibaan Sharmaarke Xasan Ganey.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa baaq u diray madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen, wuxuuna ka dalbaday inuu ka dhabeeyo ballan-qaadyadiii uu horey ugu sameeyey reer Beledweyne.

“Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle waxaan leeyahay ku laabo oo qanci bulshada aad sadkeeda ka sidato ee aadan af iyo adin toona aadan ku qancinin” ayuu yiri.

Xildhibaanka oo sii hadlaya ayaa dhanka kale weerarka afka ah ku qaaday madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Mudane Yuusuf Dabageed, wuxuuna ku eedeeyey inuu ka gaabiyey waajibaadkii loo igmaday, gaar ahaan mas’uuliyadda ka saarneyd bulshada uu metalo.

HirShabelle ayaa haatan wajaheysa xaalado adag oo is biirsaday, sida dagaalka Al-Shabaab, abaaro iyo khilaafaad soo noq-noqday oo hareeyey maamulkaasi.