26.2 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Daawo: Maxaa Jabuuti ku dhex-maray Xasan iyo xubnaha Madasha Samatabixinta?

Bookmark
Bookmarked

Share

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxwenaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno kamid ah mucaaradka, gaar ahaan Madasha Samatabixinta ayaa maanta isku arkay dalka Jabuuti oo ay u tageen ka qayb-gaka xuska 25 guurada kasoo wareegtay shirkii nabadda Carta ee 2000 ee lagu soo dhisay dowladnimada Soomaaliya.

Muuqaal si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo Madaxweyne Xasan Sheekh oo la taagan Sheekh Shariif iyo Xasan Cali Khayre oo kamid ah ragga ugu cad cad Madasha Samatabixinta, waxayna kaamirada kasoo muuqdeen, iyaga oo is gacan qaadaya, isla markaana dhoolacadeynaya.

Kulankan oo ahaa lama filaan ayaa kusoo aaday, kadib dhacdadii saldhigga degmada Warta Nabadda ee sababtay inay dagaalamaan ciidanka mucaaradka iyo kuwa ammaanka.

Dhinaca kale, Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo isna ku sugan Jabuuti ayaa wax laga waydiiyay arrinta mucaaradka iyo dowladda ayaa meesha ka saaray in labada dhinac ay wada-hadallo toos ah ku yeelan doonaan dalkaasi.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in wada-hadalka uu ka furan yahay Villa Soomaaliya, isla markaana laga soo gudbay, xilli la aadi jiray dalka dibaddiisa.

“Wada-hadal wuxuu ka furan yahay Madaxtooyada Soomaaliya waagaas iyo in lagu wada hadlo dalka dibaddiisa waa laga soo gudbay” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Waagiii xabadaha la’isku ridi jiray ma jirto waa is barbar fadhinaa kuligood waa saaxibadeen Baarlamaankaa lagu wada jiraa dowladnimada ayayna ka mid tahay”.

Villa Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka oo horay ugu kala tegay wada-hadallo ka dhacay Muqdisho ayaa weli isku haya wax ka beddalka dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka

- Advertisement -

Read more

Local News