Halista ka dhalan karta haddii ay sii socoto carqaladeynta doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu dalka u jiheystay doorasho, waxaa isa-soo tarayay caqabado dhowr ah oo horseeday jiitamka iyo dib u dhaca ku yimid doorashooyinka dalka, kuwaasi oo ugu dambeyntii heshiis looga gaaray shirkii Golaha Wada-tashiga Qaran.

Shirkii Golaha Wada-tashiga Qaran ee la soo gaba-gabeeyay 9-kii bishaan, ayaa waxaa lagu go’aamiyay in doorashada xubnaha Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeeyo muddo 40 cisho, laga bilaabo 15 January illaa 25 February ee sanadkaan.

Haddaba, Maxaa ka dhalan kara haddii ay markale sii socdaan carqaladeynta doorashada?

Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Caynte ayaa sheegay haddii ay sii socoto carqaladeynta doorashada ay dhaawac weyn u geysaneyso dowladnimadeeda, xilli ay digniino culus kasoo baxayaan dowladda Mareykanka.

“Waa in laga fogaado waxkasta oo sii kicin kara xiisada, haddii uu yimaado fal kale oo dhaawaca u weyn ayuu si guud u soo gaaray dalka, si gaar ahna madaxweynaha oo hadda han ka lahaa in markale lasoo doorto,” ayuu yiri.

Waxa uu soo jeediyay in si habsami leh loo dhameystiro doorashooyinka dalka, islamarkaana lagu soo dhameeyo jadwalka cusub ee uu soo saaray Golaha Wada-tashiga Qaranka.

“Jadwalka lagu heshiiyay haddii markale la xagal daaciyo waxaa u maleyna meesha ay maanta taagan tahay meel aad uga sii khatarsan ayaa la gaara. Markaa waa in heshiiska la hirgeliyo.”

Dowladda Mareykanka ayaa muddo 24 saac gudahood ah labo hanjabaad oo kulul u soo dirtay madaxda Soomaalida, ayada oo ka digtay in doorashooyinka Soomaaliya ay dhaafan 25-ka Febraayo.

Mareykanka ayaa ka digtay inay xayiraado la beegsan doonto siyaasiyiinta iyo madaxda Soomaalida haddii dib u dhac kale uu ku yimaado doorashada Soomaaliya. Si kastaba, ilo-wareedyo diblomaasi ayaa Caasimada Online u sheegay inay markan ka go’an tahay inay tallaabo qaadaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii