26.5 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Maxaa ka fulay ballanqaadkii Xasan Sheekh ee 10,000 macalin?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo xileedkiisa labaad ballan-qaaday inuu shaqaaleysiin doono 10,000 (toban kun) oo macallimiin Soomaaliyeed ah.

Ilaa hadda, waxaa si rasmi ah loo shaqaaleysiiyay 6,000 oo macallin, taas oo saamayn muuqata ku yeelatay tayada iyo guud ahaan xaaladda waxbarashada dalka, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay inay qorsheysan tahay in macallimiinta soo haray dhawaan la qaato, si loo dhameystiro ballan-qaadkaas muhiimka ah ee lagu xoojinayo horumarinta waxbarashada.

Macallimiinta la qaatay illaa hadda, waxaa 70% ka ahaa ragga, halka 30% ay ahaayeen gabdho, sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir. Wasiirka ayaa sheegay in isbeddel xagga boqolleyda ah ee gabdhaha iyo tirada ay ka qayb-galayaan macallimiinta uu haatan si weyn uga badan doono kii hore.

“Macallimiinta aan qaadannay, gabdhuhu 30% ayay ka ahaayeen; kuwa la qaadan doonana 50% ayay ka noqon doonaan,” ayuu yiri Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay soo dhowdahay Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ee 21-ka Nofeembar, taas oo la filayo in si ballaaran looga xuso dalka oo dhan.

Xuska munaasabaddan ayaa kusoo aadaya xilli ay sanadkan muuqdaan isbeddello togan oo la taaban karo oo lagu sameeyay xaaladda macallimiinta Soomaaliyeed, isla markaana ay Wasaaradda Waxbarashada dadaal badan gelisay sidii ay wax uga qaban lahayd duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan.

- Advertisement -

Read more

Local News